قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُوٓاْ أَنَحۡنُ صَدَدۡنَٰكُمۡ عَنِ ٱلۡهُدَىٰ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَكُمۖ بَلۡ كُنتُم مُّجۡرِمِينَ

Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa.


وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ بَلۡ مَكۡرُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ إِذۡ تَأۡمُرُونَنَآ أَن نَّكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجۡعَلَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَغۡلَٰلَ فِيٓ أَعۡنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ هَلۡ يُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee.


وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ

Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay.


وَقَالُواْ نَحۡنُ أَكۡثَرُ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ

Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo.



الصفحة التالية
Icon