هُمۡ وَأَزۡوَٰجُهُمۡ فِي ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ

Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare).


لَهُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ

Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.


سَلَٰمٞ قَوۡلٗا مِّن رَّبّٖ رَّحِيمٖ

salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli.


وَٱمۡتَٰزُواْ ٱلۡيَوۡمَ أَيُّهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada).


۞أَلَمۡ أَعۡهَدۡ إِلَيۡكُمۡ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعۡبُدُواْ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ

Miyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu idiin yahay.


وَأَنِ ٱعۡبُدُونِيۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ

Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan.


وَلَقَدۡ أَضَلَّ مِنكُمۡ جِبِلّٗا كَثِيرًاۖ أَفَلَمۡ تَكُونُواْ تَعۡقِلُونَ

Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin.


هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ

Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay.



الصفحة التالية
Icon