قَالَ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡهُ خَلَقۡتَنِي مِن نَّارٖ وَخَلَقۡتَهُۥ مِن طِينٖ

Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.


قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ

Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.


وَإِنَّ عَلَيۡكَ لَعۡنَتِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ

Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta.


قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ

Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka.


قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ

Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi.


إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ

Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah.


قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood.


إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

marka laga reebo addomadaada suuban.


قَالَ فَٱلۡحَقُّ وَٱلۡحَقَّ أَقُولُ

Eebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa.



الصفحة التالية
Icon