۞فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدۡقِ إِذۡ جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ

Yaa ka dulmi badan Ruux ku been abuurtey Eebe korkiisa oo beeniyey runta (Xaqa) markuu uyimid, miyeyna ahayn Jahannamo Guriga Gaalada.


وَٱلَّذِي جَآءَ بِٱلصِّدۡقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ

Kii la yimid Runta iyo kii rumeeyey waa dhawrsadeen/


لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Waxayna ku leeyihiin Eebe agtiisa waxay doonaan taasina waa abaalmarinta kuwa wanaagga fala.


لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Si Eebe ugu asturo wixii xumaa oy camal faleen, kuna abaal mariyo ajirkii ufu fiicnaa waxay falayeen.


أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبۡدَهُۥۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ

Miyuusan ahayn Eebe kufillaha addoonkiisa waxay kugu cabsi galin waxa Eebe ka soo hadhay (ay caabudi) ruux Eebe dhumiyeyna ma laha cid hanuunin.


وَمَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٖ ذِي ٱنتِقَامٖ

Cid Eebe hanuuniyeyna ma jiro wax dhumin, Eebana miyuusan ahayn adkaade aarsada.



الصفحة التالية
Icon