وَٱتَّبِعُوٓاْ أَحۡسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ بَغۡتَةٗ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ

Raaca kan wanaagsan e laydiinka soo dajiyey Eebe xaggiisa, ka hor cadaab idinku yimaadda kado, idinkoon ogayn.


أَن تَقُولَ نَفۡسٞ يَٰحَسۡرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِي جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّـٰخِرِينَ

Ama odhan nafu shaleyte waxaan ku gaboodfalay cibaadada Eebe waxaana ahaa kuwa jees jeesa.


أَوۡ تَقُولَ لَوۡ أَنَّ ٱللَّهَ هَدَىٰنِي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُتَّقِينَ

Ama ayan odhan haddii Eebe ihanuuniyo waxaan noqon lahaa kuwa dhawrsada.


أَوۡ تَقُولَ حِينَ تَرَى ٱلۡعَذَابَ لَوۡ أَنَّ لِي كَرَّةٗ فَأَكُونَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Ama ayan odhan markay aragto cadaabka hadday noqosho iisugnaan laheyd waxaan ahaan lahaa kuwa samo fala.


بَلَىٰ قَدۡ جَآءَتۡكَ ءَايَٰتِي فَكَذَّبۡتَ بِهَا وَٱسۡتَكۡبَرۡتَ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Saas ma ah ee waxaa kuu yimid aayaadkaygii waadna beenisay waadna iswaynaysay waxaadna ka mid noqotay gaalada.


وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تَرَى ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ عَلَى ٱللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسۡوَدَّةٌۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡمُتَكَبِّرِينَ

Maalinta qiyaamana waxaad arkeysaa kuwii ku been abuurtay Eebe korkiisa oo wajiyadoodu madowyahay, miyayna Jahannamo dhexdeedu ahayn hoyga kuwa is kibriya.



الصفحة التالية
Icon