فَقَضَىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَاتٖ فِي يَوۡمَيۡنِ وَأَوۡحَىٰ فِي كُلِّ سَمَآءٍ أَمۡرَهَاۚ وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَحِفۡظٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

Wuxuuna Eebe ka abuuray Cirka Todobo Samo laba maalmood wuxuuna faray Samo kasta amarkeedii, waxaana ku qurxinay Cirka dhaw Misbaaxyo, waana ilaalinay, taasina waa qadaridda (maamulka) Eebaha adkaada ee wax og.


فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَقُلۡ أَنذَرۡتُكُمۡ صَٰعِقَةٗ مِّثۡلَ صَٰعِقَةِ عَادٖ وَثَمُودَ

Hadday ka jeedsadeen Gaaladu (xaqa) waxaad ku dhahdaa Nabiyow waxaan idiinka digi cadaab daran oo lamid ah kii Reer Caad iyo Thamuud.


إِذۡ جَآءَتۡهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ قَالُواْ لَوۡ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَـٰٓئِكَةٗ فَإِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ

Markay ugaga timid Rasuuladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh ha caabudina waxaan Eebe ahyn, ayna ku dhaheen hadduu doono Eebeheen wuxuu soo dajinlahaa Malaa'ig, anaguna waxa laydiin soo diray waan ka gaaloownay.


فَأَمَّا عَادٞ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَقَالُواْ مَنۡ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةًۖ أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَهُمۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ

Ree Caad iyagu way isku kibriyeen Dhulka xaq darro, waxayna dheheen yaa naga xoog badan miyeyna arag Eebaha abuuray inuu ka xoogbadanyahay waxayna ahaayeen kuwo aayaadkanaga diidan.



الصفحة التالية
Icon