لَّا يَسۡـَٔمُ ٱلۡإِنسَٰنُ مِن دُعَآءِ ٱلۡخَيۡرِ وَإِن مَّسَّهُ ٱلشَّرُّ فَيَـُٔوسٞ قَنُوطٞ

Dadku kama daalo baryada khayrka, hadduu taabto sharra wuu quusasha badanyahay.


وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنَّا مِنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِي وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّجِعۡتُ إِلَىٰ رَبِّيٓ إِنَّ لِي عِندَهُۥ لَلۡحُسۡنَىٰۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِمَا عَمِلُواْ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ

Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib taabtay kadib, wuxuu dhahaa kan anaa iska leh mana u maleeynaayo inay Saacadda (qiyaame) kici, haddii layceliyo Eebahayna waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag, dhab ahaan baan ugu warranmeynaa kuwii Gaaloobey waxay camal faleen, waxaana dhabahaan u dhadhansiinaynaa Cadaab daran.


وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ فَذُو دُعَآءٍ عَرِيضٖ

Markaan unicmeyno Dadka wuu jeedsadaa oo is dadbaa (daacadduu ka tagaa) markuu taabto dhibna wuxuu soo baxaa isagoo baryo badan.


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ثُمَّ كَفَرۡتُم بِهِۦ مَنۡ أَضَلُّ مِمَّنۡ هُوَ فِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ

Waxaad ku dhahdaa bal kawarrama hadduu Quraankani xaga Eebe ka yimid markaas aad ka Gaaloowdaan yaa ka baadi badan Ruux Gaalnimo iyo khilaaf fog ku sugan.



الصفحة التالية
Icon