وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُواْ لَهُمۡ أَعۡدَآءٗ وَكَانُواْ بِعِبَادَتِهِمۡ كَٰفِرِينَ

Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi jira, col, Inay caabudi jireenna dafiri.


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٌ

Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu kani waa sixir cad.


أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ إِنِ ٱفۡتَرَيۡتُهُۥ فَلَا تَمۡلِكُونَ لِي مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِۚ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Waxay dhihi waa been uu abuurtay (Nabigu), Waxaad dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa, isagaana og waxaad dhumbanaysaan, (oo been ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe naxariista ah.


قُلۡ مَا كُنتُ بِدۡعٗا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدۡرِي مَا يُفۡعَلُ بِي وَلَا بِكُمۡۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ

Waxaad dhahdaa ma ihi bidei ka gaar ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo (ee quraanka ah) waxaana ahay u dige cad (oo muuqda).



الصفحة التالية
Icon