وَإِذۡ صَرَفۡنَآ إِلَيۡكَ نَفَرٗا مِّنَ ٱلۡجِنِّ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓاْ أَنصِتُواْۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوۡاْ إِلَىٰ قَوۡمِهِم مُّنذِرِينَ

Xusuuso markaan kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen dhagaysta, markuu la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi.


قَالُواْ يَٰقَوۡمَنَآ إِنَّا سَمِعۡنَا كِتَٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعۡدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi) Muuse ka dib oo rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada toosan.


يَٰقَوۡمَنَآ أَجِيبُواْ دَاعِيَ ٱللَّهِ وَءَامِنُواْ بِهِۦ يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُجِرۡكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ

Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane;


وَمَن لَّا يُجِبۡ دَاعِيَ ٱللَّهِ فَلَيۡسَ بِمُعۡجِزٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَيۡسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءُۚ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

Ruuxaan ajiibin (raacin) uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan.



الصفحة التالية
Icon