kuwa (xaqa) rumeeyow ha galina Guryaha Nabiga in cunno leydiinku Idmo (yeedho) mooyee idinkoon sugayn Bislaadkiisa, hasayeeshee marka laydiin yeedho gala, markaad cuntaanaa socda hanasugina sheeko, Illeen taasi waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebese xaqa kama xishoodo, haddaad wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis. saasaa u daahirnimo badan (ufiican) Quluubtiina iyo Quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe agtiisa. (53)


الصفحة التالية
Icon