«Nabi» Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa Tagey hortiis Rasuullo, ee hadduu Dhinto ama La dilo ma waxaad u gaddoomaysaan Cidhibtiinii (Dib), Ruuxii U gadooma Cidhibtiisii (Gaalooba) kama Dhibo Eebe waxba, wuuna Abaal marin kuwa ku Shukriya. (144)