Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana Madaxiinna (Dhaqana) Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya, Haddaad Buktaan ama Safartihiin ama ka timaadaan Kortag ama Istaabataan haween oydaan helayn Biyo ku Gagabaysta shul daahir kuna Masaxa Wajigiinna iyo Gacmihiinna, idin lama doonayo Eebe inuu isin yeelo korkiina Dhib wuxuuse dooni inuu idin Daahiriyo idiin dhammeeyo Nicmadiisa korkiinna inaad Shugridaan Darteed. (6)