الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

xuruufta hore waxay ku tusin mucjisada Quraanka, tanna waa aayaadkii Kitaabka ca (Quraanka).


إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

Annagaana soo dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan.


نَحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ أَحۡسَنَ ٱلۡقَصَصِ بِمَآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ وَإِن كُنتَ مِن قَبۡلِهِۦ لَمِنَ ٱلۡغَٰفِلِينَ

Annagaa kaaga qisoon qissoyin tan u fiican waxyigaan Quraankan kuu waxyoonay dartiis, waxaadna ka mid ahayd hortiisa kuwaan wax igayn.


إِذۡ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَـٰٓأَبَتِ إِنِّي رَأَيۡتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوۡكَبٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ رَأَيۡتُهُمۡ لِي سَٰجِدِينَ

markuu (Nabi) Yuusuf ku yidhi Aabbihiis aabow waxaan arkay Kaw iyo Toban xiddigood iyo Qorraxda iyo Dayaxa waxaan Arkay iyagoo ii Sujuudsan.


قَالَ يَٰبُنَيَّ لَا تَقۡصُصۡ رُءۡيَاكَ عَلَىٰٓ إِخۡوَتِكَ فَيَكِيدُواْ لَكَ كَيۡدًاۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لِلۡإِنسَٰنِ عَدُوّٞ مُّبِينٞ

Wuxuuna yidhi (Aabbihiis Yacquub) Wiilkayow hawga Qisoonin Riyadaada Walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar, illeen Shaydaanku Dadka wuxuu u yahay col cade.



الصفحة التالية
Icon