أَتَىٰٓ أَمۡرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسۡتَعۡجِلُوهُۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

waxaa yimid amarkii Eebe Qiyaamihii (iyo ciqaab) ee ha dedejisanina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Eebe waxay la wadaajin.


يُنَزِّلُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنۡ أَمۡرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرُوٓاْ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ

wuxuu ku soo dejiyaa Malaa'igta waxyi oo amarkiisa ka mida cidduu doono oo addoomadiisa ka mida oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee Eebe kale jirin ee ani uun iga dhawrsada.


خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ تَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

wuxuu u abuuray Eebe Samooyinka iyo Dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin.


خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ

wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood badane cad.


وَٱلۡأَنۡعَٰمَ خَلَقَهَاۖ لَكُمۡ فِيهَا دِفۡءٞ وَمَنَٰفِعُ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ

xoolahana wuu idiin abuuray dhexdoodana waxaa ah dugaal iyo nacfi xaggeedaadna ka cuntaan.


وَلَكُمۡ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسۡرَحُونَ

quruxbaana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan iyo markaad foofinaysaan.



الصفحة التالية
Icon