يسٓ

(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).


وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ

Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.


إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada).


عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Jid toosanna waad ku sugan tahay.


تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ

Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista,


لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ

inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan.


لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.


إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ

Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).


وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ

Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan.



الصفحة التالية
Icon