وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ

Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.


مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ

Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.


وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ

Kumana hadlo hawadiisa.


إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ

quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.


عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ

Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).


ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ

Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.


وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ

Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).


ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ

Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).


فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ

Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.


فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ

Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.



الصفحة التالية
Icon