سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waxaa Eebe sharrifa (oo wayneeya) waxa ku sugan Samawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade falsan.


لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Waxaa Eebe u sugnaaday xukunka samaawaadka iyo Dhulka, isagaa waxa nooleeya waxna dila, waxwalbana wuu karaa.


هُوَ ٱلۡأَوَّلُ وَٱلۡأٓخِرُ وَٱلظَّـٰهِرُ وَٱلۡبَاطِنُۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ

Eebe waa kan horreeyay, waana kan dambayn, waana kan muuqda (khalqigiisa) awgiis waana kan (Indhaha) ka qarsoon waxwalbana og.


هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۖ وَهُوَ مَعَكُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Eebe waa kan ku abuuray Samaawaadka iyo Dhulka Lix Maalmood qaddarkood, markaasna Carshiga ku ekaaday (si u cunnanta) wuxuuna ogyahay waxa Dhulka gali iyo waxa ka soo bixi, waxa Samada ka soo dagi iyo waxa u kori, Eebana waa idinla joogaa meelkastood ku sugantihiinba, waxaad camal falaysaanna Eebe waa arkaa.



الصفحة التالية
Icon