يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡمَلِكِ ٱلۡقُدُّوسِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ

Waxaa Eebe nasihi (weynayn) waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Ilaahay waa xaakin Xumaan ka daahirane ah aadkade falsame ah.


هُوَ ٱلَّذِي بَعَثَ فِي ٱلۡأُمِّيِّـۧنَ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمۡ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلُ لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

Eebe waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda Aayaadkiisa «quraankana» bara iyo Sunnada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen kuwo haadi cad ku sugan.


وَءَاخَرِينَ مِنۡهُمۡ لَمَّا يَلۡحَقُواْ بِهِمۡۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

(Waxaa kale oo Eebe Nabigu u diray) kuwo kale oon weli la kulmin kuwaas, Eebena waa Adkaade falsame ah.


ذَٰلِكَ فَضۡلُ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ

Arrintaasuna (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono Eebana waa deeq iyo fadli weyne.


مَثَلُ ٱلَّذِينَ حُمِّلُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ ثُمَّ لَمۡ يَحۡمِلُوهَا كَمَثَلِ ٱلۡحِمَارِ يَحۡمِلُ أَسۡفَارَۢاۚ بِئۡسَ مَثَلُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Kuwii la faray inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna Camal falaan (qaa Yuhuudda) haddana an ku camal falin, waxay la mid yihiin Dameerxambaarsan Kutub badan, waxaana xun masalka kuwaas beeniyey Aayadaha Eebe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah.



الصفحة التالية
Icon