يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحۡصُواْ ٱلۡعِدَّةَۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ رَبَّكُمۡۖ لَا تُخۡرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخۡرُجۡنَ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ لَا تَدۡرِي لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحۡدِثُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ أَمۡرٗا

Nabiyow haddaad haweenka furaysaan Cidada ku fura (daahir aan la taaban) Cidadana tiriya, Eebana ka dhawrsada, hana ka bixinina Guryahooda (ay joogeen markay la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyan ka tagin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii Eebe, ruuxii ka tallaba xuduuda Eebena naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu ka dib xaal keeno, (jacayl isku noqosho).


فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ فَارِقُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖ وَأَشۡهِدُواْ ذَوَيۡ عَدۡلٖ مِّنكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مَخۡرَجٗا

Markay Cidada dhamaadkeeda (ku dhawaadaan) si fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa, dad caadiliina oo idin ka mid ahna marag uga dhiga, maragana ha u guteen Eebe dartiis, xaalkaasi waa wacdi ruuxii rumayn Eebe iyo Maalintii dambaysay «yiaamada» ruuxii Eebe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj.



الصفحة التالية
Icon