تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara.


ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ

Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah.


ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ

Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.


ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ

Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhiban daallanna.


وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ

Eebe wuxuu ku quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta, Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro.



الصفحة التالية
Icon