إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرۡ قَوۡمَكَ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.


قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٌ

Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»


أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ

ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.


يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرۡكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمًّىۚ إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُۚ لَوۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.


قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوۡتُ قَوۡمِي لَيۡلٗا وَنَهَارٗا

Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.


فَلَمۡ يَزِدۡهُمۡ دُعَآءِيٓ إِلَّا فِرَارٗا

Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.


وَإِنِّي كُلَّمَا دَعَوۡتُهُمۡ لِتَغۡفِرَ لَهُمۡ جَعَلُوٓاْ أَصَٰبِعَهُمۡ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَٱسۡتَغۡشَوۡاْ ثِيَابَهُمۡ وَأَصَرُّواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ ٱسۡتِكۡبَارٗا

Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.



الصفحة التالية
Icon