لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».


وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.


وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ

Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».


لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ

Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).


أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ

Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).


يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا

Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).


أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ

Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.


أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ

Miyaannaan u yeelin Laba indhood.


وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ

Iyo Carrab iyo Laba bishimood.


وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ

Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).



الصفحة التالية
Icon