وَٱلشَّمۡسِ وَضُحَىٰهَا

Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.


وَٱلۡقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا

Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.


وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا

Iyo Maalintu markay ifiso.


وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰهَا

Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).


وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا

Iyo Samada iyo say u dhisantahay.


وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا طَحَىٰهَا

Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.


وَنَفۡسٖ وَمَا سَوَّىٰهَا

Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.


فَأَلۡهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقۡوَىٰهَا

Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.


قَدۡ أَفۡلَحَ مَن زَكَّىٰهَا

Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.


وَقَدۡ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا

Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.


كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِطَغۡوَىٰهَآ

Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.



الصفحة التالية
Icon