---
title: "ترجمة سورة مريم - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/19/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/19/book/1998"
surah_id: "19"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة مريم - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/19/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة مريم - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/19/book/1998*.

Translation of Surah مريم from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 19:1

> كهيعص [19:1]

waa la soo sheegay kuwo lamid ah. (1)

### الآية 19:2

> ﻿ذِكْرُ رَحْمَتِ رَبِّكَ عَبْدَهُ زَكَرِيَّا [19:2]

(kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye. (2)

### الآية 19:3

> ﻿إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ نِدَاءً خَفِيًّا [19:3]

markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah. (3)

### الآية 19:4

> ﻿قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ الْعَظْمُ مِنِّي وَاشْتَعَلَ الرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُنْ بِدُعَائِكَ رَبِّ شَقِيًّا [19:4]

yidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara. (4)

### الآية 19:5

> ﻿وَإِنِّي خِفْتُ الْمَوَالِيَ مِنْ وَرَائِي وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا فَهَبْ لِي مِنْ لَدُنْكَ وَلِيًّا [19:5]

anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad). (5)

### الآية 19:6

> ﻿يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنْ آلِ يَعْقُوبَ ۖ وَاجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا [19:6]

i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo. (6)

### الآية 19:7

> ﻿يَا زَكَرِيَّا إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَامٍ اسْمُهُ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَلْ لَهُ مِنْ قَبْلُ سَمِيًّا [19:7]

zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah). (7)

### الآية 19:8

> ﻿قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ الْكِبَرِ عِتِيًّا [19:8]

wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow. (8)

### الآية 19:9

> ﻿قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِنْ قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْئًا [19:9]

wuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba. (9)

### الآية 19:10

> ﻿قَالَ رَبِّ اجْعَلْ لِي آيَةً ۚ قَالَ آيَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ النَّاسَ ثَلَاثَ لَيَالٍ سَوِيًّا [19:10]

wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow). (10)

### الآية 19:11

> ﻿فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ مِنَ الْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰ إِلَيْهِمْ أَنْ سَبِّحُوا بُكْرَةً وَعَشِيًّا [19:11]

markaasu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba. (11)

### الآية 19:12

> ﻿يَا يَحْيَىٰ خُذِ الْكِتَابَ بِقُوَّةٍ ۖ وَآتَيْنَاهُ الْحُكْمَ صَبِيًّا [19:12]

(waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar. (12)

### الآية 19:13

> ﻿وَحَنَانًا مِنْ لَدُنَّا وَزَكَاةً ۖ وَكَانَ تَقِيًّا [19:13]

iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade. (13)

### الآية 19:14

> ﻿وَبَرًّا بِوَالِدَيْهِ وَلَمْ يَكُنْ جَبَّارًا عَصِيًّا [19:14]

iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah. (14)

### الآية 19:15

> ﻿وَسَلَامٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا [19:15]

nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool. (15)

### الآية 19:16

> ﻿وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ مَرْيَمَ إِذِ انْتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا [19:16]

(ku xusuuso) kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi). (16)

### الآية 19:17

> ﻿فَاتَّخَذَتْ مِنْ دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَا إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا [19:17]

oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg. (17)

### الآية 19:18

> ﻿قَالَتْ إِنِّي أَعُوذُ بِالرَّحْمَٰنِ مِنْكَ إِنْ كُنْتَ تَقِيًّا [19:18]

una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade. (18)

### الآية 19:19

> ﻿قَالَ إِنَّمَا أَنَا رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَامًا زَكِيًّا [19:19]

kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah., (19)

### الآية 19:20

> ﻿قَالَتْ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِي بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا [19:20]

waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo). (20)

### الآية 19:21

> ﻿قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ ۖ وَلِنَجْعَلَهُ آيَةً لِلنَّاسِ وَرَحْمَةً مِنَّا ۚ وَكَانَ أَمْرًا مَقْضِيًّا [19:21]

wuxuuna yidhi waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay (dhammeeyey). (21)

### الآية 19:22

> ﻿۞ فَحَمَلَتْهُ فَانْتَبَذَتْ بِهِ مَكَانًا قَصِيًّا [19:22]

way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay meel dheer (durugsan). (22)

### الآية 19:23

> ﻿فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنْتُ نَسْيًا مَنْسِيًّا [19:23]

waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga tago. (23)

### الآية 19:24

> ﻿فَنَادَاهَا مِنْ تَحْتِهَا أَلَّا تَحْزَنِي قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا [19:24]

wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar). (24)

### الآية 19:25

> ﻿وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا [19:25]

una gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane. (25)

### الآية 19:26

> ﻿فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيًّا [19:26]

ee cun oo cab qabowsana il (farax) haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna. (26)

### الآية 19:27

> ﻿فَأَتَتْ بِهِ قَوْمَهَا تَحْمِلُهُ ۖ قَالُوا يَا مَرْيَمُ لَقَدْ جِئْتِ شَيْئًا فَرِيًّا [19:27]

waxayna ula timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la timid wax wayn. (27)

### الآية 19:28

> ﻿يَا أُخْتَ هَارُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ امْرَأَ سَوْءٍ وَمَا كَانَتْ أُمُّكِ بَغِيًّا [19:28]

haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo). (28)

### الآية 19:29

> ﻿فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ ۖ قَالُوا كَيْفَ نُكَلِّمُ مَنْ كَانَ فِي الْمَهْدِ صَبِيًّا [19:29]

wayna u ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan Sariirilmood isagoo yar. (29)

### الآية 19:30

> ﻿قَالَ إِنِّي عَبْدُ اللَّهِ آتَانِيَ الْكِتَابَ وَجَعَلَنِي نَبِيًّا [19:30]

wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi. (30)

### الآية 19:31

> ﻿وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيْنَ مَا كُنْتُ وَأَوْصَانِي بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ مَا دُمْتُ حَيًّا [19:31]

wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay. (31)

### الآية 19:32

> ﻿وَبَرًّا بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّارًا شَقِيًّا [19:32]

wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun. (32)

### الآية 19:33

> ﻿وَالسَّلَامُ عَلَيَّ يَوْمَ وُلِدْتُ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا [19:33]

nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool. (33)

### الآية 19:34

> ﻿ذَٰلِكَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ ۚ قَوْلَ الْحَقِّ الَّذِي فِيهِ يَمْتَرُونَ [19:34]

kaasi waa Ciise ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin. (34)

### الآية 19:35

> ﻿مَا كَانَ لِلَّهِ أَنْ يَتَّخِذَ مِنْ وَلَدٍ ۖ سُبْحَانَهُ ۚ إِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ [19:35]

kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun **«amar»** wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan. (35)

### الآية 19:36

> ﻿وَإِنَّ اللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ [19:36]

Ilaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane. (36)

### الآية 19:37

> ﻿فَاخْتَلَفَ الْأَحْزَابُ مِنْ بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ مَشْهَدِ يَوْمٍ عَظِيمٍ [19:37]

wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn. (37)

### الآية 19:38

> ﻿أَسْمِعْ بِهِمْ وَأَبْصِرْ يَوْمَ يَأْتُونَنَا ۖ لَٰكِنِ الظَّالِمُونَ الْيَوْمَ فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ [19:38]

maqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku suganyihiin baadi cad. (38)

### الآية 19:39

> ﻿وَأَنْذِرْهُمْ يَوْمَ الْحَسْرَةِ إِذْ قُضِيَ الْأَمْرُ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ وَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ [19:39]

uga dig iyaga maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn. (39)

### الآية 19:40

> ﻿إِنَّا نَحْنُ نَرِثُ الْأَرْضَ وَمَنْ عَلَيْهَا وَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ [19:40]

annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin. (40)

### الآية 19:41

> ﻿وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِبْرَاهِيمَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَبِيًّا [19:41]

ku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah. (41)

### الآية 19:42

> ﻿إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ يَا أَبَتِ لِمَ تَعْبُدُ مَا لَا يَسْمَعُ وَلَا يُبْصِرُ وَلَا يُغْنِي عَنْكَ شَيْئًا [19:42]

markuu ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana deeqayn waxba. (42)

### الآية 19:43

> ﻿يَا أَبَتِ إِنِّي قَدْ جَاءَنِي مِنَ الْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَاتَّبِعْنِي أَهْدِكَ صِرَاطًا سَوِيًّا [19:43]

aabow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa). (43)

### الآية 19:44

> ﻿يَا أَبَتِ لَا تَعْبُدِ الشَّيْطَانَ ۖ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ عَصِيًّا [19:44]

aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Eebaha Rasmaan ah caasi. (44)

### الآية 19:45

> ﻿يَا أَبَتِ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِنَ الرَّحْمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيْطَانِ وَلِيًّا [19:45]

aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto shaydaan qaraabo. (45)

### الآية 19:46

> ﻿قَالَ أَرَاغِبٌ أَنْتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ ۖ وَاهْجُرْنِي مَلِيًّا [19:46]

wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed. (46)

### الآية 19:47

> ﻿قَالَ سَلَامٌ عَلَيْكَ ۖ سَأَسْتَغْفِرُ لَكَ رَبِّي ۖ إِنَّهُ كَانَ بِي حَفِيًّا [19:47]

wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste. (47)

### الآية 19:48

> ﻿وَأَعْتَزِلُكُمْ وَمَا تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَأَدْعُو رَبِّي عَسَىٰ أَلَّا أَكُونَ بِدُعَاءِ رَبِّي شَقِيًّا [19:48]

waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay, waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku xumaada (khasaara). (48)

### الآية 19:49

> ﻿فَلَمَّا اعْتَزَلَهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا نَبِيًّا [19:49]

markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi. (49)

### الآية 19:50

> ﻿وَوَهَبْنَا لَهُمْ مِنْ رَحْمَتِنَا وَجَعَلْنَا لَهُمْ لِسَانَ صِدْقٍ عَلِيًّا [19:50]

waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa. (50)

### الآية 19:51

> ﻿وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ مُوسَىٰ ۚ إِنَّهُ كَانَ مُخْلَصًا وَكَانَ رَسُولًا نَبِيًّا [19:51]

ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah. (51)

### الآية 19:52

> ﻿وَنَادَيْنَاهُ مِنْ جَانِبِ الطُّورِ الْأَيْمَنِ وَقَرَّبْنَاهُ نَجِيًّا [19:52]

waana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli. (52)

### الآية 19:53

> ﻿وَوَهَبْنَا لَهُ مِنْ رَحْمَتِنَا أَخَاهُ هَارُونَ نَبِيًّا [19:53]

waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo nabi ah. (53)

### الآية 19:54

> ﻿وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِسْمَاعِيلَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صَادِقَ الْوَعْدِ وَكَانَ رَسُولًا نَبِيًّا [19:54]

kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah. (54)

### الآية 19:55

> ﻿وَكَانَ يَأْمُرُ أَهْلَهُ بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ وَكَانَ عِنْدَ رَبِّهِ مَرْضِيًّا [19:55]

wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raalli yahay. (55)

### الآية 19:56

> ﻿وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَبِيًّا [19:56]

kuna sheeg kitaabka (nabi) Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah. (56)

### الآية 19:57

> ﻿وَرَفَعْنَاهُ مَكَانًا عَلِيًّا [19:57]

waxaana u koryeellay meel sare. (57)

### الآية 19:58

> ﻿أُولَٰئِكَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ مِنَ النَّبِيِّينَ مِنْ ذُرِّيَّةِ آدَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِنْ ذُرِّيَّةِ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْرَائِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَاجْتَبَيْنَا ۚ إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُ الرَّحْمَٰنِ خَرُّوا سُجَّدًا وَبُكِيًّا ۩ [19:58]

kuwaas waa kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi. (58)

### الآية 19:59

> ﻿۞ فَخَلَفَ مِنْ بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا الصَّلَاةَ وَاتَّبَعُوا الشَّهَوَاتِ ۖ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا [19:59]

waxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto (oo xun) waxayna la kulim sharr. (59)

### الآية 19:60

> ﻿إِلَّا مَنْ تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ شَيْئًا [19:60]

cidda toobad keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada lagamana dulmiyo waxba. (60)

### الآية 19:61

> ﻿جَنَّاتِ عَدْنٍ الَّتِي وَعَدَ الرَّحْمَٰنُ عِبَادَهُ بِالْغَيْبِ ۚ إِنَّهُ كَانَ وَعْدُهُ مَأْتِيًّا [19:61]

jannooyinka cadnin (yey gali) ee ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaadda. (61)

### الآية 19:62

> ﻿لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا إِلَّا سَلَامًا ۖ وَلَهُمْ رِزْقُهُمْ فِيهَا بُكْرَةً وَعَشِيًّا [19:62]

kuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba. (62)

### الآية 19:63

> ﻿تِلْكَ الْجَنَّةُ الَّتِي نُورِثُ مِنْ عِبَادِنَا مَنْ كَانَ تَقِيًّا [19:63]

taasi waa jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada. (63)

### الآية 19:64

> ﻿وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمْرِ رَبِّكَ ۖ لَهُ مَا بَيْنَ أَيْدِينَا وَمَا خَلْفَنَا وَمَا بَيْنَ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا [19:64]

kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana aha Eebahaa mid halmaansan. (64)

### الآية 19:65

> ﻿رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَاعْبُدْهُ وَاصْطَبِرْ لِعِبَادَتِهِ ۚ هَلْ تَعْلَمُ لَهُ سَمِيًّا [19:65]

waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca). (65)

### الآية 19:66

> ﻿وَيَقُولُ الْإِنْسَانُ أَإِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا [19:66]

wuxuu dhihi dadkii (gaalka) ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool. (66)

### الآية 19:67

> ﻿أَوَلَا يَذْكُرُ الْإِنْسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِنْ قَبْلُ وَلَمْ يَكُ شَيْئًا [19:67]

miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn. (67)

### الآية 19:68

> ﻿فَوَرَبِّكَ لَنَحْشُرَنَّهُمْ وَالشَّيَاطِينَ ثُمَّ لَنُحْضِرَنَّهُمْ حَوْلَ جَهَنَّمَ جِثِيًّا [19:68]

Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya. (68)

### الآية 19:69

> ﻿ثُمَّ لَنَنْزِعَنَّ مِنْ كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمْ أَشَدُّ عَلَى الرَّحْمَٰنِ عِتِيًّا [19:69]

markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada). (69)

### الآية 19:70

> ﻿ثُمَّ لَنَحْنُ أَعْلَمُ بِالَّذِينَ هُمْ أَوْلَىٰ بِهَا صِلِيًّا [19:70]

annagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta. (70)

### الآية 19:71

> ﻿وَإِنْ مِنْكُمْ إِلَّا وَارِدُهَا ۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتْمًا مَقْضِيًّا [19:71]

cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman. (71)

### الآية 19:72

> ﻿ثُمَّ نُنَجِّي الَّذِينَ اتَّقَوْا وَنَذَرُ الظَّالِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا [19:72]

Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya. (72)

### الآية 19:73

> ﻿وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا أَيُّ الْفَرِيقَيْنِ خَيْرٌ مَقَامًا وَأَحْسَنُ نَدِيًّا [19:73]

marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi). (73)

### الآية 19:74

> ﻿وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنْ قَرْنٍ هُمْ أَحْسَنُ أَثَاثًا وَرِئْيًا [19:74]

badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba. (74)

### الآية 19:75

> ﻿قُلْ مَنْ كَانَ فِي الضَّلَالَةِ فَلْيَمْدُدْ لَهُ الرَّحْمَٰنُ مَدًّا ۚ حَتَّىٰ إِذَا رَأَوْا مَا يُوعَدُونَ إِمَّا الْعَذَابَ وَإِمَّا السَّاعَةَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ شَرٌّ مَكَانًا وَأَضْعَفُ جُنْدًا [19:75]

waxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo). (75)

### الآية 19:76

> ﻿وَيَزِيدُ اللَّهُ الَّذِينَ اهْتَدَوْا هُدًى ۗ وَالْبَاقِيَاتُ الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِنْدَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ مَرَدًّا [19:76]

wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo. (76)

### الآية 19:77

> ﻿أَفَرَأَيْتَ الَّذِي كَفَرَ بِآيَاتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالًا وَوَلَدًا [19:77]

ka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa lay siin (aakhiro) xoolo iyo carruur. (77)

### الآية 19:78

> ﻿أَطَّلَعَ الْغَيْبَ أَمِ اتَّخَذَ عِنْدَ الرَّحْمَٰنِ عَهْدًا [19:78]

ma wuxuu daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan. (78)

### الآية 19:79

> ﻿كَلَّا ۚ سَنَكْتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُ مِنَ الْعَذَابِ مَدًّا [19:79]

saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u fududaynaa (kordhin) cadaabka fidin. (79)

### الآية 19:80

> ﻿وَنَرِثُهُ مَا يَقُولُ وَيَأْتِينَا فَرْدًا [19:80]

waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali. (80)

### الآية 19:81

> ﻿وَاتَّخَذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ آلِهَةً لِيَكُونُوا لَهُمْ عِزًّا [19:81]

waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar). (81)

### الآية 19:82

> ﻿كَلَّا ۚ سَيَكْفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمْ وَيَكُونُونَ عَلَيْهِمْ ضِدًّا [19:82]

saas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col). (82)

### الآية 19:83

> ﻿أَلَمْ تَرَ أَنَّا أَرْسَلْنَا الشَّيَاطِينَ عَلَى الْكَافِرِينَ تَؤُزُّهُمْ أَزًّا [19:83]

miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin (baadiyeyn) baadi. (83)

### الآية 19:84

> ﻿فَلَا تَعْجَلْ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمْ عَدًّا [19:84]

ee ha ku degdegin korkooda, waannu uun u tirin tirec. (84)

### الآية 19:85

> ﻿يَوْمَ نَحْشُرُ الْمُتَّقِينَ إِلَى الرَّحْمَٰنِ وَفْدًا [19:85]

xusuuso maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah. (85)

### الآية 19:86

> ﻿وَنَسُوقُ الْمُجْرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرْدًا [19:86]

oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo aroora. (86)

### الآية 19:87

> ﻿لَا يَمْلِكُونَ الشَّفَاعَةَ إِلَّا مَنِ اتَّخَذَ عِنْدَ الرَّحْمَٰنِ عَهْدًا [19:87]

mana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee. (87)

### الآية 19:88

> ﻿وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَٰنُ وَلَدًا [19:88]

waxay dheheen (gaaladu) wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo. (88)

### الآية 19:89

> ﻿لَقَدْ جِئْتُمْ شَيْئًا إِدًّا [19:89]

waxaad la timaadeen wax wayn. (89)

### الآية 19:90

> ﻿تَكَادُ السَّمَاوَاتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنْشَقُّ الْأَرْضُ وَتَخِرُّ الْجِبَالُ هَدًّا [19:90]

oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur. (90)

### الآية 19:91

> ﻿أَنْ دَعَوْا لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدًا [19:91]

inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo. (91)

### الآية 19:92

> ﻿وَمَا يَنْبَغِي لِلرَّحْمَٰنِ أَنْ يَتَّخِذَ وَلَدًا [19:92]

kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo. (92)

### الآية 19:93

> ﻿إِنْ كُلُّ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ إِلَّا آتِي الرَّحْمَٰنِ عَبْدًا [19:93]

wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe isagoo Addoona. (93)

### الآية 19:94

> ﻿لَقَدْ أَحْصَاهُمْ وَعَدَّهُمْ عَدًّا [19:94]

wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro. (94)

### الآية 19:95

> ﻿وَكُلُّهُمْ آتِيهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَرْدًا [19:95]

Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali ah. (95)

### الآية 19:96

> ﻿إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَيَجْعَلُ لَهُمُ الرَّحْمَٰنُ وُدًّا [19:96]

kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl. (96)

### الآية 19:97

> ﻿فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ الْمُتَّقِينَ وَتُنْذِرَ بِهِ قَوْمًا لُدًّا [19:97]

waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun). (97)

### الآية 19:98

> ﻿وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنْ قَرْنٍ هَلْ تُحِسُّ مِنْهُمْ مِنْ أَحَدٍ أَوْ تَسْمَعُ لَهُمْ رِكْزًا [19:98]

Badanaa intaan halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod. (98)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/19.md)
- [كل تفاسير سورة مريم
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/19.md)
- [ترجمات سورة مريم
](https://quranpedia.net/translations/19.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/19/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
