---
title: "ترجمة سورة ص - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/38/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/38/book/1998"
surah_id: "38"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة ص - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/38/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة ص - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/38/book/1998*.

Translation of Surah ص from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 38:1

> ص ۚ وَالْقُرْآنِ ذِي الذِّكْرِ [38:1]

Xarafka hore wuxuu kutusin mucjisada (Quraanka), Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin). (1)

### الآية 38:2

> ﻿بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ [38:2]

Kuwii gaaloobay waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido). (2)

### الآية 38:3

> ﻿كَمْ أَهْلَكْنَا مِنْ قَبْلِهِمْ مِنْ قَرْنٍ فَنَادَوْا وَلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ [38:3]

Imisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin. (3)

### الآية 38:4

> ﻿وَعَجِبُوا أَنْ جَاءَهُمْ مُنْذِرٌ مِنْهُمْ ۖ وَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا سَاحِرٌ كَذَّابٌ [38:4]

Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah. (4)

### الآية 38:5

> ﻿أَجَعَلَ الْآلِهَةَ إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ عُجَابٌ [38:5]

Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo. (5)

### الآية 38:6

> ﻿وَانْطَلَقَ الْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ امْشُوا وَاصْبِرُوا عَلَىٰ آلِهَتِكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ يُرَادُ [38:6]

Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina, arrintani waa wax laynala dooni. (6)

### الآية 38:7

> ﻿مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي الْمِلَّةِ الْآخِرَةِ إِنْ هَٰذَا إِلَّا اخْتِلَاقٌ [38:7]

Manaan kumaqlin tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay. (7)

### الآية 38:8

> ﻿أَأُنْزِلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ مِنْ بَيْنِنَا ۚ بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ مِنْ ذِكْرِي ۖ بَلْ لَمَّا يَذُوقُوا عَذَابِ [38:8]

Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhadhamin Cadaabkayga. (8)

### الآية 38:9

> ﻿أَمْ عِنْدَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ [38:9]

Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka) yahay. (9)

### الآية 38:10

> ﻿أَمْ لَهُمْ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ فَلْيَرْتَقُوا فِي الْأَسْبَابِ [38:10]

Mise waxaa u sugnaaday xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada). (10)

### الآية 38:11

> ﻿جُنْدٌ مَا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِنَ الْأَحْزَابِ [38:11]

Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan). (11)

### الآية 38:12

> ﻿كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو الْأَوْتَادِ [38:12]

Waxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa. (12)

### الآية 38:13

> ﻿وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ ۚ أُولَٰئِكَ الْأَحْزَابُ [38:13]

Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa beeniyey). (13)

### الآية 38:14

> ﻿إِنْ كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ [38:14]

Midaan Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday. (14)

### الآية 38:15

> ﻿وَمَا يَنْظُرُ هَٰؤُلَاءِ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً مَا لَهَا مِنْ فَوَاقٍ [38:15]

Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna. (15)

### الآية 38:16

> ﻿وَقَالُوا رَبَّنَا عَجِّلْ لَنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ الْحِسَابِ [38:16]

Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta ka hor, (Qiyaamada). (16)

### الآية 38:17

> ﻿اصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُودَ ذَا الْأَيْدِ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ [38:17]

Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane. (17)

### الآية 38:18

> ﻿إِنَّا سَخَّرْنَا الْجِبَالَ مَعَهُ يُسَبِّحْنَ بِالْعَشِيِّ وَالْإِشْرَاقِ [38:18]

Annagaa u sakhirray (u fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo Subaxba. (18)

### الآية 38:19

> ﻿وَالطَّيْرَ مَحْشُورَةً ۖ كُلٌّ لَهُ أَوَّابٌ [38:19]

Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe. (19)

### الآية 38:20

> ﻿وَشَدَدْنَا مُلْكَهُ وَآتَيْنَاهُ الْحِكْمَةَ وَفَصْلَ الْخِطَابِ [38:20]

Waana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal caddayn(iyo garsoorid). (20)

### الآية 38:21

> ﻿۞ وَهَلْ أَتَاكَ نَبَأُ الْخَصْمِ إِذْ تَسَوَّرُوا الْمِحْرَابَ [38:21]

Ma ku soo gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen. (21)

### الآية 38:22

> ﻿إِذْ دَخَلُوا عَلَىٰ دَاوُودَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ خَصْمَانِ بَغَىٰ بَعْضُنَا عَلَىٰ بَعْضٍ فَاحْكُمْ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَاهْدِنَا إِلَىٰ سَوَاءِ الصِّرَاطِ [38:22]

una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si xaq ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa). (22)

### الآية 38:23

> ﻿إِنَّ هَٰذَا أَخِي لَهُ تِسْعٌ وَتِسْعُونَ نَعْجَةً وَلِيَ نَعْجَةٌ وَاحِدَةٌ فَقَالَ أَكْفِلْنِيهَا وَعَزَّنِي فِي الْخِطَابِ [38:23]

(Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo hadalkiina wuu igaga adkaaday. (23)

### الآية 38:24

> ﻿قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِ ۖ وَإِنَّ كَثِيرًا مِنَ الْخُلَطَاءِ لَيَبْغِي بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَقَلِيلٌ مَا هُمْ ۗ وَظَنَّ دَاوُودُ أَنَّمَا فَتَنَّاهُ فَاسْتَغْفَرَ رَبَّهُ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ ۩ [38:24]

Wuxuuna yidhi **«Daa'uud»** wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna noqday. (24)

### الآية 38:25

> ﻿فَغَفَرْنَا لَهُ ذَٰلِكَ ۖ وَإِنَّ لَهُ عِنْدَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ [38:25]

Markaasaan u dambi dhaafnay, agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo sare). (25)

### الآية 38:26

> ﻿يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُمْ بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ [38:26]

(Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xukun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed. (26)

### الآية 38:27

> ﻿وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَاطِلًا ۚ ذَٰلِكَ ظَنُّ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ كَفَرُوا مِنَ النَّارِ [38:27]

Maanaan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar. (27)

### الآية 38:28

> ﻿أَمْ نَجْعَلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَالْمُفْسِدِينَ فِي الْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ الْمُتَّقِينَ كَالْفُجَّارِ [38:28]

Miyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada). (28)

### الآية 38:29

> ﻿كِتَابٌ أَنْزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ [38:29]

(Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh, (29)

### الآية 38:30

> ﻿وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ ۚ نِعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ [38:30]

Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiilkiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan. (30)

### الآية 38:31

> ﻿إِذْ عُرِضَ عَلَيْهِ بِالْعَشِيِّ الصَّافِنَاتُ الْجِيَادُ [38:31]

Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican. (31)

### الآية 38:32

> ﻿فَقَالَ إِنِّي أَحْبَبْتُ حُبَّ الْخَيْرِ عَنْ ذِكْرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِالْحِجَابِ [38:32]

Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo. (32)

### الآية 38:33

> ﻿رُدُّوهَا عَلَيَّ ۖ فَطَفِقَ مَسْحًا بِالسُّوقِ وَالْأَعْنَاقِ [38:33]

ii soo celiya wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu gawraco sadaqo darteed). (33)

### الآية 38:34

> ﻿وَلَقَدْ فَتَنَّا سُلَيْمَانَ وَأَلْقَيْنَا عَلَىٰ كُرْسِيِّهِ جَسَدًا ثُمَّ أَنَابَ [38:34]

Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad markaasuu toobad keeney. (34)

### الآية 38:35

> ﻿قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَهَبْ لِي مُلْكًا لَا يَنْبَغِي لِأَحَدٍ مِنْ بَعْدِي ۖ إِنَّكَ أَنْتَ الْوَهَّابُ [38:35]

Wuxuuna yidhi Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin badane ahe. (35)

### الآية 38:36

> ﻿فَسَخَّرْنَا لَهُ الرِّيحَ تَجْرِي بِأَمْرِهِ رُخَاءً حَيْثُ أَصَابَ [38:36]

Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono. (36)

### الآية 38:37

> ﻿وَالشَّيَاطِينَ كُلَّ بَنَّاءٍ وَغَوَّاصٍ [38:37]

Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba. (37)

### الآية 38:38

> ﻿وَآخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِي الْأَصْفَادِ [38:38]

Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado., (38)

### الآية 38:39

> ﻿هَٰذَا عَطَاؤُنَا فَامْنُنْ أَوْ أَمْسِكْ بِغَيْرِ حِسَابٍ [38:39]

(Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan. (39)

### الآية 38:40

> ﻿وَإِنَّ لَهُ عِنْدَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ [38:40]

Wuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican. (40)

### الآية 38:41

> ﻿وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ [38:41]

Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab. (41)

### الآية 38:42

> ﻿ارْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَٰذَا مُغْتَسَلٌ بَارِدٌ وَشَرَابٌ [38:42]

Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo. (42)

### الآية 38:43

> ﻿وَوَهَبْنَا لَهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُمْ مَعَهُمْ رَحْمَةً مِنَّا وَذِكْرَىٰ لِأُولِي الْأَلْبَابِ [38:43]

Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga leh. (43)

### الآية 38:44

> ﻿وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَاضْرِبْ بِهِ وَلَا تَحْنَثْ ۗ إِنَّا وَجَدْنَاهُ صَابِرًا ۚ نِعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ [38:44]

Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan. (44)

### الآية 38:45

> ﻿وَاذْكُرْ عِبَادَنَا إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ أُولِي الْأَيْدِي وَالْأَبْصَارِ [38:45]

Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa). (45)

### الآية 38:46

> ﻿إِنَّا أَخْلَصْنَاهُمْ بِخَالِصَةٍ ذِكْرَى الدَّارِ [38:46]

Anagaa u dooranay xusidda aakhiro. (46)

### الآية 38:47

> ﻿وَإِنَّهُمْ عِنْدَنَا لَمِنَ الْمُصْطَفَيْنَ الْأَخْيَارِ [38:47]

Waxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan. (47)

### الآية 38:48

> ﻿وَاذْكُرْ إِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ وَكُلٌّ مِنَ الْأَخْيَارِ [38:48]

Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan. (48)

### الآية 38:49

> ﻿هَٰذَا ذِكْرٌ ۚ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَآبٍ [38:49]

Waxaas la soo sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican. (49)

### الآية 38:50

> ﻿جَنَّاتِ عَدْنٍ مُفَتَّحَةً لَهُمُ الْأَبْوَابُ [38:50]

Janada cadnin oo albaabada loo furay ayey mudan. (50)

### الآية 38:51

> ﻿مُتَّكِئِينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ [38:51]

Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakihaad badan iyo Cabbid. (51)

### الآية 38:52

> ﻿۞ وَعِنْدَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ أَتْرَابٌ [38:52]

Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay Ragooda (dhowrsoon) oo Isla eg. (52)

### الآية 38:53

> ﻿هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوْمِ الْحِسَابِ [38:53]

Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta (qiyaamada). (53)

### الآية 38:54

> ﻿إِنَّ هَٰذَا لَرِزْقُنَا مَا لَهُ مِنْ نَفَادٍ [38:54]

Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado. (54)

### الآية 38:55

> ﻿هَٰذَا ۚ وَإِنَّ لِلطَّاغِينَ لَشَرَّ مَآبٍ [38:55]

Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun. (55)

### الآية 38:56

> ﻿جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ الْمِهَادُ [38:56]

Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol. (56)

### الآية 38:57

> ﻿هَٰذَا فَلْيَذُوقُوهُ حَمِيمٌ وَغَسَّاقٌ [38:57]

Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka. (57)

### الآية 38:58

> ﻿وَآخَرُ مِنْ شَكْلِهِ أَزْوَاجٌ [38:58]

Iyo mid kale oo Cadaab ah oo isagoo kale ah xaga kulaylka iyo dheecaanka ehelu naarka isagoo noocya ah. (58)

### الآية 38:59

> ﻿هَٰذَا فَوْجٌ مُقْتَحِمٌ مَعَكُمْ ۖ لَا مَرْحَبًا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُو النَّارِ [38:59]

Malaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta. (59)

### الآية 38:60

> ﻿قَالُوا بَلْ أَنْتُمْ لَا مَرْحَبًا بِكُمْ ۖ أَنْتُمْ قَدَّمْتُمُوهُ لَنَا ۖ فَبِئْسَ الْقَرَارُ [38:60]

Waxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado. (60)

### الآية 38:61

> ﻿قَالُوا رَبَّنَا مَنْ قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدْهُ عَذَابًا ضِعْفًا فِي النَّارِ [38:61]

Waxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab Naarta. (61)

### الآية 38:62

> ﻿وَقَالُوا مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُمْ مِنَ الْأَشْرَارِ [38:62]

Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun, (62)

### الآية 38:63

> ﻿أَتَّخَذْنَاهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ الْأَبْصَارُ [38:63]

Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii. (63)

### الآية 38:64

> ﻿إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ النَّارِ [38:64]

Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka. (64)

### الآية 38:65

> ﻿قُلْ إِنَّمَا أَنَا مُنْذِرٌ ۖ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ [38:65]

Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa. (65)

### الآية 38:66

> ﻿رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ [38:66]

Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf badan. (66)

### الآية 38:67

> ﻿قُلْ هُوَ نَبَأٌ عَظِيمٌ [38:67]

Waxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn. (67)

### الآية 38:68

> ﻿أَنْتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ [38:68]

Ood idinku ka jeedsaneysaan. (68)

### الآية 38:69

> ﻿مَا كَانَ لِيَ مِنْ عِلْمٍ بِالْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ إِذْ يَخْتَصِمُونَ [38:69]

mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin). (69)

### الآية 38:70

> ﻿إِنْ يُوحَىٰ إِلَيَّ إِلَّا أَنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُبِينٌ [38:70]

waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda. (70)

### الآية 38:71

> ﻿إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِنْ طِينٍ [38:71]

Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam) Dhoobo. (71)

### الآية 38:72

> ﻿فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِنْ رُوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ [38:72]

Ee markaan ekeeyo (ahaysiiyo) oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan). (72)

### الآية 38:73

> ﻿فَسَجَدَ الْمَلَائِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ [38:73]

Wayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil. (73)

### الآية 38:74

> ﻿إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ [38:74]

Ibliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada. (74)

### الآية 38:75

> ﻿قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَنْ تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنْتَ مِنَ الْعَالِينَ [38:75]

Eebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya. (75)

### الآية 38:76

> ﻿قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِنْهُ ۖ خَلَقْتَنِي مِنْ نَارٍ وَخَلَقْتَهُ مِنْ طِينٍ [38:76]

Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo. (76)

### الآية 38:77

> ﻿قَالَ فَاخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ [38:77]

Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye. (77)

### الآية 38:78

> ﻿وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِي إِلَىٰ يَوْمِ الدِّينِ [38:78]

Korkaagana ha ahaato lacanadeydu tan iyo maalinta abaalmarinta. (78)

### الآية 38:79

> ﻿قَالَ رَبِّ فَأَنْظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ [38:79]

Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka. (79)

### الآية 38:80

> ﻿قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ الْمُنْظَرِينَ [38:80]

Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi. (80)

### الآية 38:81

> ﻿إِلَىٰ يَوْمِ الْوَقْتِ الْمَعْلُومِ [38:81]

Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah. (81)

### الآية 38:82

> ﻿قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ [38:82]

Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood. (82)

### الآية 38:83

> ﻿إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ الْمُخْلَصِينَ [38:83]

marka laga reebo addomadaada suuban. (83)

### الآية 38:84

> ﻿قَالَ فَالْحَقُّ وَالْحَقَّ أَقُولُ [38:84]

Eebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa. (84)

### الآية 38:85

> ﻿لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنْكَ وَمِمَّنْ تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ [38:85]

Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka midah dadka dhamaan. (85)

### الآية 38:86

> ﻿قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ [38:86]

Waxaad dhahdaa Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana ihi kuwa is dhiba. (86)

### الآية 38:87

> ﻿إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِلْعَالَمِينَ [38:87]

Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha. (87)

### الآية 38:88

> ﻿وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُ بَعْدَ حِينٍ [38:88]

Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib. (88)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/38.md)
- [كل تفاسير سورة ص
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/38.md)
- [ترجمات سورة ص
](https://quranpedia.net/translations/38.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/38/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
