---
title: "ترجمة سورة الطور - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/52/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/52/book/1998"
surah_id: "52"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة الطور - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/52/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة الطور - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/52/book/1998*.

Translation of Surah الطور from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 52:1

> وَالطُّورِ [52:1]

(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. (1)

### الآية 52:2

> ﻿وَكِتَابٍ مَسْطُورٍ [52:2]

Iyo Kitaabka la dhigay, (2)

### الآية 52:3

> ﻿فِي رَقٍّ مَنْشُورٍ [52:3]

Oo ku qoran warqado la fidiyay. (3)

### الآية 52:4

> ﻿وَالْبَيْتِ الْمَعْمُورِ [52:4]

Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur). (4)

### الآية 52:5

> ﻿وَالسَّقْفِ الْمَرْفُوعِ [52:5]

IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). (5)

### الآية 52:6

> ﻿وَالْبَحْرِ الْمَسْجُورِ [52:6]

Iyo Baddii la kululeeyay. (6)

### الآية 52:7

> ﻿إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَاقِعٌ [52:7]

Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). (7)

### الآية 52:8

> ﻿مَا لَهُ مِنْ دَافِعٍ [52:8]

wax celinna ma jiro. (8)

### الآية 52:9

> ﻿يَوْمَ تَمُورُ السَّمَاءُ مَوْرًا [52:9]

Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. (9)

### الآية 52:10

> ﻿وَتَسِيرُ الْجِبَالُ سَيْرًا [52:10]

Buuruhuna socon. (10)

### الآية 52:11

> ﻿فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِلْمُكَذِّبِينَ [52:11]

Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay. (11)

### الآية 52:12

> ﻿الَّذِينَ هُمْ فِي خَوْضٍ يَلْعَبُونَ [52:12]

Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. (12)

### الآية 52:13

> ﻿يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا [52:13]

Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). (13)

### الآية 52:14

> ﻿هَٰذِهِ النَّارُ الَّتِي كُنْتُمْ بِهَا تُكَذِّبُونَ [52:14]

Waatan Naartii aad beenin jirteen. (14)

### الآية 52:15

> ﻿أَفَسِحْرٌ هَٰذَا أَمْ أَنْتُمْ لَا تُبْصِرُونَ [52:15]

Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn. (15)

### الآية 52:16

> ﻿اصْلَوْهَا فَاصْبِرُوا أَوْ لَا تَصْبِرُوا سَوَاءٌ عَلَيْكُمْ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ [52:16]

Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen. (16)

### الآية 52:17

> ﻿إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَنَعِيمٍ [52:17]

Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. (17)

### الآية 52:18

> ﻿فَاكِهِينَ بِمَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَاهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ [52:18]

Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. (18)

### الآية 52:19

> ﻿كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ [52:19]

(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. (19)

### الآية 52:20

> ﻿مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَصْفُوفَةٍ ۖ وَزَوَّجْنَاهُمْ بِحُورٍ عِينٍ [52:20]

Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). (20)

### الآية 52:21

> ﻿وَالَّذِينَ آمَنُوا وَاتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُمْ بِإِيمَانٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَا أَلَتْنَاهُمْ مِنْ عَمَلِهِمْ مِنْ شَيْءٍ ۚ كُلُّ امْرِئٍ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ [52:21]

Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan **«u xidhnaani»**. (21)

### الآية 52:22

> ﻿وَأَمْدَدْنَاهُمْ بِفَاكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِمَّا يَشْتَهُونَ [52:22]

waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin. (22)

### الآية 52:23

> ﻿يَتَنَازَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ [52:23]

Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn. (23)

### الآية 52:24

> ﻿۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَكْنُونٌ [52:24]

Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. (24)

### الآية 52:25

> ﻿وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ [52:25]

Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin. (25)

### الآية 52:26

> ﻿قَالُوا إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِي أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ [52:26]

Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. (26)

### الآية 52:27

> ﻿فَمَنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَانَا عَذَابَ السَّمُومِ [52:27]

Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama). (27)

### الآية 52:28

> ﻿إِنَّا كُنَّا مِنْ قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْبَرُّ الرَّحِيمُ [52:28]

Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista. (28)

### الآية 52:29

> ﻿فَذَكِّرْ فَمَا أَنْتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ [52:29]

Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. (29)

### الآية 52:30

> ﻿أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَتَرَبَّصُ بِهِ رَيْبَ الْمَنُونِ [52:30]

Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. (30)

### الآية 52:31

> ﻿قُلْ تَرَبَّصُوا فَإِنِّي مَعَكُمْ مِنَ الْمُتَرَبِّصِينَ [52:31]

Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye. (31)

### الآية 52:32

> ﻿أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَامُهُمْ بِهَٰذَا ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ [52:32]

Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay. (32)

### الآية 52:33

> ﻿أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُ ۚ بَلْ لَا يُؤْمِنُونَ [52:33]

Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin. (33)

### الآية 52:34

> ﻿فَلْيَأْتُوا بِحَدِيثٍ مِثْلِهِ إِنْ كَانُوا صَادِقِينَ [52:34]

Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi. (34)

### الآية 52:35

> ﻿أَمْ خُلِقُوا مِنْ غَيْرِ شَيْءٍ أَمْ هُمُ الْخَالِقُونَ [52:35]

Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). (35)

### الآية 52:36

> ﻿أَمْ خَلَقُوا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۚ بَلْ لَا يُوقِنُونَ [52:36]

Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. (36)

### الآية 52:37

> ﻿أَمْ عِنْدَهُمْ خَزَائِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ الْمُصَيْطِرُونَ [52:37]

Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka. (37)

### الآية 52:38

> ﻿أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُمْ بِسُلْطَانٍ مُبِينٍ [52:38]

Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. (38)

### الآية 52:39

> ﻿أَمْ لَهُ الْبَنَاتُ وَلَكُمُ الْبَنُونَ [52:39]

Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. (39)

### الآية 52:40

> ﻿أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُمْ مِنْ مَغْرَمٍ مُثْقَلُونَ [52:40]

Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay. (40)

### الآية 52:41

> ﻿أَمْ عِنْدَهُمُ الْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ [52:41]

Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan. (41)

### الآية 52:42

> ﻿أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا ۖ فَالَّذِينَ كَفَرُوا هُمُ الْمَكِيدُونَ [52:42]

Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran. (42)

### الآية 52:43

> ﻿أَمْ لَهُمْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللَّهِ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ [52:43]

Mise Ilaah Eebe ka soo hadhay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen **«Ilaah-nimada»**. (43)

### الآية 52:44

> ﻿وَإِنْ يَرَوْا كِسْفًا مِنَ السَّمَاءِ سَاقِطًا يَقُولُوا سَحَابٌ مَرْكُومٌ [52:44]

Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). (44)

### الآية 52:45

> ﻿فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي فِيهِ يُصْعَقُونَ [52:45]

Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. (45)

### الآية 52:46

> ﻿يَوْمَ لَا يُغْنِي عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنْصَرُونَ [52:46]

Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin. (46)

### الآية 52:47

> ﻿وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ [52:47]

Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. (47)

### الآية 52:48

> ﻿وَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ [52:48]

Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici. (48

### الآية 52:49

> ﻿وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَارَ النُّجُومِ [52:49]

Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan. (49)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/52.md)
- [كل تفاسير سورة الطور
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/52.md)
- [ترجمات سورة الطور
](https://quranpedia.net/translations/52.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/52/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
