---
title: "ترجمة سورة الواقعة - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/56/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/56/book/1998"
surah_id: "56"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة الواقعة - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/56/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة الواقعة - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/56/book/1998*.

Translation of Surah الواقعة from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 56:1

> إِذَا وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ [56:1]

Markay Qiyaamadu dhacdo. (1)

### الآية 56:2

> ﻿لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ [56:2]

Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan). (2)

### الآية 56:3

> ﻿خَافِضَةٌ رَافِعَةٌ [56:3]

Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah. (3)

### الآية 56:4

> ﻿إِذَا رُجَّتِ الْأَرْضُ رَجًّا [56:4]

Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. (4)

### الآية 56:5

> ﻿وَبُسَّتِ الْجِبَالُ بَسًّا [56:5]

Buurahana la rido (La kala daadiyo). (5)

### الآية 56:6

> ﻿فَكَانَتْ هَبَاءً مُنْبَثًّا [56:6]

Oy noqoto boodh Firdhisan. (6)

### الآية 56:7

> ﻿وَكُنْتُمْ أَزْوَاجًا ثَلَاثَةً [56:7]

Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin). (7)

### الآية 56:8

> ﻿فَأَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ مَا أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ [56:8]

Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari. (8)

### الآية 56:9

> ﻿وَأَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ مَا أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ [56:9]

Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari. (9)

### الآية 56:10

> ﻿وَالسَّابِقُونَ السَّابِقُونَ [56:10]

Iyo kuwii aad u hormaray. (10)

### الآية 56:11

> ﻿أُولَٰئِكَ الْمُقَرَّبُونَ [56:11]

Waa kuwa Eebe dhaweeyay. (11)

### الآية 56:12

> ﻿فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ [56:12]

Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. (12)

### الآية 56:13

> ﻿ثُلَّةٌ مِنَ الْأَوَّلِينَ [56:13]

Waana Koox ka mid ah kuwii hore. (13)

### الآية 56:14

> ﻿وَقَلِيلٌ مِنَ الْآخِرِينَ [56:14]

Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay. (14)

### الآية 56:15

> ﻿عَلَىٰ سُرُرٍ مَوْضُونَةٍ [56:15]

Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan. (15)

### الآية 56:16

> ﻿مُتَّكِئِينَ عَلَيْهَا مُتَقَابِلِينَ [56:16]

Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. (16)

### الآية 56:17

> ﻿يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَانٌ مُخَلَّدُونَ [56:17]

Waxaa la dhex wareegi wiilal waari. (17)

### الآية 56:18

> ﻿بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِنْ مَعِينٍ [56:18]

Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan (khamri) socda. (18)

### الآية 56:19

> ﻿لَا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنْزِفُونَ [56:19]

Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. (19)

### الآية 56:20

> ﻿وَفَاكِهَةٍ مِمَّا يَتَخَيَّرُونَ [56:20]

Faakihaday **«khudaartay»** doonaanna way heli. (20)

### الآية 56:21

> ﻿وَلَحْمِ طَيْرٍ مِمَّا يَشْتَهُونَ [56:21]

Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah. (21)

### الآية 56:22

> ﻿وَحُورٌ عِينٌ [56:22]

Iyo Haween Janno oo Indha cadcad. (22)

### الآية 56:23

> ﻿كَأَمْثَالِ اللُّؤْلُؤِ الْمَكْنُونِ [56:23]

Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay. (23)

### الآية 56:24

> ﻿جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ [56:24]

Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). (24)

### الآية 56:25

> ﻿لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا [56:25]

Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. (25)

### الآية 56:26

> ﻿إِلَّا قِيلًا سَلَامًا سَلَامًا [56:26]

Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah). (26)

### الآية 56:27

> ﻿وَأَصْحَابُ الْيَمِينِ مَا أَصْحَابُ الْيَمِينِ [56:27]

Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta. (27)

### الآية 56:28

> ﻿فِي سِدْرٍ مَخْضُودٍ [56:28]

Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn. (28)

### الآية 56:29

> ﻿وَطَلْحٍ مَنْضُودٍ [56:29]

Iyo Geedka Dhalxiga (Muuska Oo isasaarsaaran) ah oo buuxa. (29)

### الآية 56:30

> ﻿وَظِلٍّ مَمْدُودٍ [56:30]

Iyo Hoos joogta ah. (30)

### الآية 56:31

> ﻿وَمَاءٍ مَسْكُوبٍ [56:31]

Iyo Biyo socda (goor walba). (31)

### الآية 56:32

> ﻿وَفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ [56:32]

Iyo Faakiha badan. (32)

### الآية 56:33

> ﻿لَا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ [56:33]

Oon la goynaynin lana reebaynin. (33)

### الآية 56:34

> ﻿وَفُرُشٍ مَرْفُوعَةٍ [56:34]

Iyo Gogol la koryeelay. (34)

### الآية 56:35

> ﻿إِنَّا أَنْشَأْنَاهُنَّ إِنْشَاءً [56:35]

Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada). (35)

### الآية 56:36

> ﻿فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا [56:36]

Kana dhigi kuwa aan la taaban. (36)

### الآية 56:37

> ﻿عُرُبًا أَتْرَابًا [56:37]

Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. (37)

### الآية 56:38

> ﻿لِأَصْحَابِ الْيَمِينِ [56:38]

kuwa Midigta yaa muta (arrintaas). (38)

### الآية 56:39

> ﻿ثُلَّةٌ مِنَ الْأَوَّلِينَ [56:39]

Waana Koox kuwii hore ka mid ah. (39)

### الآية 56:40

> ﻿وَثُلَّةٌ مِنَ الْآخِرِينَ [56:40]

Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. (40)

### الآية 56:41

> ﻿وَأَصْحَابُ الشِّمَالِ مَا أَصْحَابُ الشِّمَالِ [56:41]

Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda. (41)

### الآية 56:42

> ﻿فِي سَمُومٍ وَحَمِيمٍ [56:42]

Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. (42)

### الآية 56:43

> ﻿وَظِلٍّ مِنْ يَحْمُومٍ [56:43]

Iyo hoos madow oo wax guba. (43)

### الآية 56:44

> ﻿لَا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ [56:44]

Aan qaboobayn aragna fiicnayn. (44)

### الآية 56:45

> ﻿إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ [56:45]

Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). (45)

### الآية 56:46

> ﻿وَكَانُوا يُصِرُّونَ عَلَى الْحِنْثِ الْعَظِيمِ [56:46]

Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn. (46)

### الآية 56:47

> ﻿وَكَانُوا يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ [56:47]

Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin. (47)

### الآية 56:48

> ﻿أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ [56:48]

Ama Aabayaalkannagii horeeyay. (48)

### الآية 56:49

> ﻿قُلْ إِنَّ الْأَوَّلِينَ وَالْآخِرِينَ [56:49]

Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. (49)

### الآية 56:50

> ﻿لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَاتِ يَوْمٍ مَعْلُومٍ [56:50]

Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). (50)

### الآية 56:51

> ﻿ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا الضَّالُّونَ الْمُكَذِّبُونَ [56:51]

Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah. (51)

### الآية 56:52

> ﻿لَآكِلُونَ مِنْ شَجَرٍ مِنْ زَقُّومٍ [56:52]

Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun. (52)

### الآية 56:53

> ﻿فَمَالِئُونَ مِنْهَا الْبُطُونَ [56:53]

Aad kana buuxinaysaan Caloosha. (53)

### الآية 56:54

> ﻿فَشَارِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ الْحَمِيمِ [56:54]

Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan. (54)

### الآية 56:55

> ﻿فَشَارِبُونَ شُرْبَ الْهِيمِ [56:55]

Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman. (55)

### الآية 56:56

> ﻿هَٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ الدِّينِ [56:56]

Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). (56)

### الآية 56:57

> ﻿نَحْنُ خَلَقْنَاكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ [56:57]

(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). (57)

### الآية 56:58

> ﻿أَفَرَأَيْتُمْ مَا تُمْنُونَ [56:58]

Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan **«Manida»**. (58)

### الآية 56:59

> ﻿أَأَنْتُمْ تَخْلُقُونَهُ أَمْ نَحْنُ الْخَالِقُونَ [56:59]

Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra, (59)

### الآية 56:60

> ﻿نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ الْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ [56:60]

Annagaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. (60)

### الآية 56:61

> ﻿عَلَىٰ أَنْ نُبَدِّلَ أَمْثَالَكُمْ وَنُنْشِئَكُمْ فِي مَا لَا تَعْلَمُونَ [56:61]

Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon. (61)

### الآية 56:62

> ﻿وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ النَّشْأَةَ الْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ [56:62]

Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan. (62)

### الآية 56:63

> ﻿أَفَرَأَيْتُمْ مَا تَحْرُثُونَ [56:63]

Ka warrama waxaad beereysaan. (63)

### الآية 56:64

> ﻿أَأَنْتُمْ تَزْرَعُونَهُ أَمْ نَحْنُ الزَّارِعُونَ [56:64]

Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. (64)

### الآية 56:65

> ﻿لَوْ نَشَاءُ لَجَعَلْنَاهُ حُطَامًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ [56:65]

Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). (65)

### الآية 56:66

> ﻿إِنَّا لَمُغْرَمُونَ [56:66]

(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay. (66)

### الآية 56:67

> ﻿بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ [56:67]

Mase waa nala hoojiyay. (67)

### الآية 56:68

> ﻿أَفَرَأَيْتُمُ الْمَاءَ الَّذِي تَشْرَبُونَ [56:68]

Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. (68)

### الآية 56:69

> ﻿أَأَنْتُمْ أَنْزَلْتُمُوهُ مِنَ الْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ الْمُنْزِلُونَ [56:69]

Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. (69)

### الآية 56:70

> ﻿لَوْ نَشَاءُ جَعَلْنَاهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ [56:70]

Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh ee maad ku mahadisaan (Eebe). (70)

### الآية 56:71

> ﻿أَفَرَأَيْتُمُ النَّارَ الَّتِي تُورُونَ [56:71]

Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan. (71)

### الآية 56:72

> ﻿أَأَنْتُمْ أَنْشَأْتُمْ شَجَرَتَهَا أَمْ نَحْنُ الْمُنْشِئُونَ [56:72]

Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay. (72)

### الآية 56:73

> ﻿نَحْنُ جَعَلْنَاهَا تَذْكِرَةً وَمَتَاعًا لِلْمُقْوِينَ [56:73]

Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada). (73)

### الآية 56:74

> ﻿فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ [56:74]

Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (74)

### الآية 56:75

> ﻿۞ فَلَا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ [56:75]

(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). (75)

### الآية 56:76

> ﻿وَإِنَّهُ لَقَسَمٌ لَوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ [56:76]

Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine. (76)

### الآية 56:77

> ﻿إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ [56:77]

Quraanku waa shay sharaf leh. (77)

### الآية 56:78

> ﻿فِي كِتَابٍ مَكْنُونٍ [56:78]

Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray. (78)

### الآية 56:79

> ﻿لَا يَمَسُّهُ إِلَّا الْمُطَهَّرُونَ [56:79]

Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn. (79)

### الآية 56:80

> ﻿تَنْزِيلٌ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ [56:80]

Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. (80)

### الآية 56:81

> ﻿أَفَبِهَٰذَا الْحَدِيثِ أَنْتُمْ مُدْهِنُونَ [56:81]

Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. (81)

### الآية 56:82

> ﻿وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ [56:82]

Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Rizqigiinna beenin (Xaqa). (82)

### الآية 56:83

> ﻿فَلَوْلَا إِذَا بَلَغَتِ الْحُلْقُومَ [56:83]

Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho. (83)

### الآية 56:84

> ﻿وَأَنْتُمْ حِينَئِذٍ تَنْظُرُونَ [56:84]

Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). (84)

### الآية 56:85

> ﻿وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْكُمْ وَلَٰكِنْ لَا تُبْصِرُونَ [56:85]

Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin. (85)

### الآية 56:86

> ﻿فَلَوْلَا إِنْ كُنْتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ [56:86]

Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin. (86)

### الآية 56:87

> ﻿تَرْجِعُونَهَا إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ [56:87]

Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan. (87)

### الآية 56:88

> ﻿فَأَمَّا إِنْ كَانَ مِنَ الْمُقَرَّبِينَ [56:88]

Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay. (88)

### الآية 56:89

> ﻿فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ [56:89]

Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima. (89)

### الآية 56:90

> ﻿وَأَمَّا إِنْ كَانَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ [56:90]

Hadduu yahay kuwa Midigta marina. (90)

### الآية 56:91

> ﻿فَسَلَامٌ لَكَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ [56:91]

Nabadgalyaa kaaga sugnaatay kuwa midigta. (91)

### الآية 56:92

> ﻿وَأَمَّا إِنْ كَانَ مِنَ الْمُكَذِّبِينَ الضَّالِّينَ [56:92]

Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. (92)

### الآية 56:93

> ﻿فَنُزُلٌ مِنْ حَمِيمٍ [56:93]

Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. (93)

### الآية 56:94

> ﻿وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ [56:94]

Iyo galidda Naarta Jaxiimo. (94)

### الآية 56:95

> ﻿إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ الْيَقِينِ [56:95]

Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah. (95)

### الآية 56:96

> ﻿فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ [56:96]

Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (96)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/56.md)
- [كل تفاسير سورة الواقعة
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/56.md)
- [ترجمات سورة الواقعة
](https://quranpedia.net/translations/56.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/56/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
