---
title: "ترجمة سورة المعارج - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/70/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/70/book/1998"
surah_id: "70"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة المعارج - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/70/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة المعارج - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/70/book/1998*.

Translation of Surah المعارج from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 70:1

> سَأَلَ سَائِلٌ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ [70:1]

Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). (1)

### الآية 70:2

> ﻿لِلْكَافِرِينَ لَيْسَ لَهُ دَافِعٌ [70:2]

Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro. (2)

### الآية 70:3

> ﻿مِنَ اللَّهِ ذِي الْمَعَارِجِ [70:3]

Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. (3)

### الآية 70:4

> ﻿تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ [70:4]

Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano. (4)

### الآية 70:5

> ﻿فَاصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا [70:5]

Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. (5)

### الآية 70:6

> ﻿إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُ بَعِيدًا [70:6]

Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. (6)

### الآية 70:7

> ﻿وَنَرَاهُ قَرِيبًا [70:7]

Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay. (7)

### الآية 70:8

> ﻿يَوْمَ تَكُونُ السَّمَاءُ كَالْمُهْلِ [70:8]

Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale. (8)

### الآية 70:9

> ﻿وَتَكُونُ الْجِبَالُ كَالْعِهْنِ [70:9]

Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale. (9)

### الآية 70:10

> ﻿وَلَا يَسْأَلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا [70:10]

Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin. (10)

### الآية 70:11

> ﻿يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ الْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِي مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍ بِبَنِيهِ [70:11]

Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. (11)

### الآية 70:12

> ﻿وَصَاحِبَتِهِ وَأَخِيهِ [70:12]

Haweenaydiisa, Walaalkiis. (12)

### الآية 70:13

> ﻿وَفَصِيلَتِهِ الَّتِي تُؤْوِيهِ [70:13]

iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. (13)

### الآية 70:14

> ﻿وَمَنْ فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنْجِيهِ [70:14]

iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. (14)

### الآية 70:15

> ﻿كَلَّا ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ [70:15]

Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). (15)

### الآية 70:16

> ﻿نَزَّاعَةً لِلشَّوَىٰ [70:16]

Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). (16)

### الآية 70:17

> ﻿تَدْعُو مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ [70:17]

Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. (17)

### الآية 70:18

> ﻿وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰ [70:18]

Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). (18)

### الآية 70:19

> ﻿۞ إِنَّ الْإِنْسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا [70:19]

Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. (19)

### الآية 70:20

> ﻿إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا [70:20]

Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. (20)

### الآية 70:21

> ﻿وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا [70:21]

Hadduu khayr helana wuu reebaa. (21)

### الآية 70:22

> ﻿إِلَّا الْمُصَلِّينَ [70:22]

Marka laga reebo Muslimiinta tukata. (22)

### الآية 70:23

> ﻿الَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ [70:23]

Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima. (23)

### الآية 70:24

> ﻿وَالَّذِينَ فِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ مَعْلُومٌ [70:24]

Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. (24)

### الآية 70:25

> ﻿لِلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ [70:25]

Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan. (25)

### الآية 70:26

> ﻿وَالَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ [70:26]

Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). (26)

### الآية 70:27

> ﻿وَالَّذِينَ هُمْ مِنْ عَذَابِ رَبِّهِمْ مُشْفِقُونَ [70:27]

Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. (27)

### الآية 70:28

> ﻿إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ [70:28]

Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. (28)

### الآية 70:29

> ﻿وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ [70:29]

Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino. (29)

### الآية 70:30

> ﻿إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ [70:30]

Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. (30)

### الآية 70:31

> ﻿فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ [70:31]

Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. (31)

### الآية 70:32

> ﻿وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ [70:32]

Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. (32)

### الآية 70:33

> ﻿وَالَّذِينَ هُمْ بِشَهَادَاتِهِمْ قَائِمُونَ [70:33]

Kuwa maraggooda si fiican u furay. (33)

### الآية 70:34

> ﻿وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ [70:34]

Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). (34)

### الآية 70:35

> ﻿أُولَٰئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُكْرَمُونَ [70:35]

Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo. (35)

### الآية 70:36

> ﻿فَمَالِ الَّذِينَ كَفَرُوا قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ [70:36]

Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin). (36)

### الآية 70:37

> ﻿عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ عِزِينَ [70:37]

Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. (37)

### الآية 70:38

> ﻿أَيَطْمَعُ كُلُّ امْرِئٍ مِنْهُمْ أَنْ يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ [70:38]

Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah In la geliyo Jannatu Naciima. (38)

### الآية 70:39

> ﻿كَلَّا ۖ إِنَّا خَلَقْنَاهُمْ مِمَّا يَعْلَمُونَ [70:39]

Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. (39)

### الآية 70:40

> ﻿فَلَا أُقْسِمُ بِرَبِّ الْمَشَارِقِ وَالْمَغَارِبِ إِنَّا لَقَادِرُونَ [70:40]

Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. (40)

### الآية 70:41

> ﻿عَلَىٰ أَنْ نُبَدِّلَ خَيْرًا مِنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ [70:41]

Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan. (41)

### الآية 70:42

> ﻿فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ [70:42]

Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. (42)

### الآية 70:43

> ﻿يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ [70:43]

Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda). (43)

### الآية 70:44

> ﻿خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الَّذِي كَانُوا يُوعَدُونَ [70:44]

Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda). (44)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/70.md)
- [كل تفاسير سورة المعارج
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/70.md)
- [ترجمات سورة المعارج
](https://quranpedia.net/translations/70.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/70/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
