---
title: "ترجمة سورة المدّثر - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/74/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/74/book/1998"
surah_id: "74"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة المدّثر - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/74/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة المدّثر - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/74/book/1998*.

Translation of Surah المدّثر from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 74:1

> يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ [74:1]

(Nabiga) Isadadayow. (1)

### الآية 74:2

> ﻿قُمْ فَأَنْذِرْ [74:2]

Istaag oo dig. (2)

### الآية 74:3

> ﻿وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ [74:3]

Eebahaana waynee. (3)

### الآية 74:4

> ﻿وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ [74:4]

Dharkaagana daahiri. (4)

### الآية 74:5

> ﻿وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ [74:5]

Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada). (5)

### الآية 74:6

> ﻿وَلَا تَمْنُنْ تَسْتَكْثِرُ [74:6]

Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay). (6)

### الآية 74:7

> ﻿وَلِرَبِّكَ فَاصْبِرْ [74:7]

Eebahaa Dartiisna u Samir. (7)

### الآية 74:8

> ﻿فَإِذَا نُقِرَ فِي النَّاقُورِ [74:8]

Marka Suurka (yiaame) la Afuufo. (8)

### الآية 74:9

> ﻿فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ [74:9]

Maalintaasu waa maalin ku Daran. (9)

### الآية 74:10

> ﻿عَلَى الْكَافِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ [74:10]

Gaalada oon u Fududayn. (10)

### الآية 74:11

> ﻿ذَرْنِي وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا [74:11]

Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa. (11)

### الآية 74:12

> ﻿وَجَعَلْتُ لَهُ مَالًا مَمْدُودًا [74:12]

Una yeelay Xoolo Badan. (12)

### الآية 74:13

> ﻿وَبَنِينَ شُهُودًا [74:13]

Iyo Wilaal Jooga oo **«Darban»**. (13)

### الآية 74:14

> ﻿وَمَهَّدْتُ لَهُ تَمْهِيدًا [74:14]

Aan una waasiciyay Risqiga. (14)

### الآية 74:15

> ﻿ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ [74:15]

Oo haddana sii damci inaan u Badiyo. (15)

### الآية 74:16

> ﻿كَلَّا ۖ إِنَّهُ كَانَ لِآيَاتِنَا عَنِيدًا [74:16]

Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga. (16)

### الآية 74:17

> ﻿سَأُرْهِقُهُ صَعُودًا [74:17]

Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran. (17)

### الآية 74:18

> ﻿إِنَّهُ فَكَّرَ وَقَدَّرَ [74:18]

Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay. (18)

### الآية 74:19

> ﻿فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ [74:19]

Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay. (19)

### الآية 74:20

> ﻿ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ [74:20]

Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay. (20)

### الآية 74:21

> ﻿ثُمَّ نَظَرَ [74:21]

Kadib wuxuu eegay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo). (21)

### الآية 74:22

> ﻿ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ [74:22]

Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay. (22)

### الآية 74:23

> ﻿ثُمَّ أَدْبَرَ وَاسْتَكْبَرَ [74:23]

Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay. (23)

### الآية 74:24

> ﻿فَقَالَ إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ [74:24]

Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn. (24)

### الآية 74:25

> ﻿إِنْ هَٰذَا إِلَّا قَوْلُ الْبَشَرِ [74:25]

quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn. (25)

### الآية 74:26

> ﻿سَأُصْلِيهِ سَقَرَ [74:26]

waxaannu galin kaas (Naarta) saqara. (26)

### الآية 74:27

> ﻿وَمَا أَدْرَاكَ مَا سَقَرُ [74:27]

Ma taqaannaa Naarta Saqara. (27)

### الآية 74:28

> ﻿لَا تُبْقِي وَلَا تَذَرُ [74:28]

Hilib iyo laf midna ma Reebto. (28)

### الآية 74:29

> ﻿لَوَّاحَةٌ لِلْبَشَرِ [74:29]

waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa). (29)

### الآية 74:30

> ﻿عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ [74:30]

waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf). (30)

### الآية 74:31

> ﻿وَمَا جَعَلْنَا أَصْحَابَ النَّارِ إِلَّا مَلَائِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِلَّذِينَ كَفَرُوا لِيَسْتَيْقِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَيَزْدَادَ الَّذِينَ آمَنُوا إِيمَانًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَالْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ وَالْكَافِرُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ مَنْ يَشَاءُ وَيَهْدِي مَنْ يَشَاءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ [74:31]

Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee. (31)

### الآية 74:32

> ﻿كَلَّا وَالْقَمَرِ [74:32]

Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye. (32)

### الآية 74:33

> ﻿وَاللَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ [74:33]

Iyo Habeenku Markuu Jeedsado. (33)

### الآية 74:34

> ﻿وَالصُّبْحِ إِذَا أَسْفَرَ [74:34]

Iyo Subaxu markuu iftiimo. (34)

### الآية 74:35

> ﻿إِنَّهَا لَإِحْدَى الْكُبَرِ [74:35]

Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka). (35)

### الآية 74:36

> ﻿نَذِيرًا لِلْبَشَرِ [74:36]

Waana Digniinta Dadka. (36)

### الآية 74:37

> ﻿لِمَنْ شَاءَ مِنْكُمْ أَنْ يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ [74:37]

Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay). (37)

### الآية 74:38

> ﻿كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ [74:38]

Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay. (38)

### الآية 74:39

> ﻿إِلَّا أَصْحَابَ الْيَمِينِ [74:39]

Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka). (39)

### الآية 74:40

> ﻿فِي جَنَّاتٍ يَتَسَاءَلُونَ [74:40]

Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin. (40)

### الآية 74:41

> ﻿عَنِ الْمُجْرِمِينَ [74:41]

Dambiilayaasha. (41)

### الآية 74:42

> ﻿مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ [74:42]

Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara. (42)

### الآية 74:43

> ﻿قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ [74:43]

Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada. (43)

### الآية 74:44

> ﻿وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ [74:44]

Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka. (44)

### الآية 74:45

> ﻿وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ الْخَائِضِينَ [74:45]

Waxaana ahayn kuwa la dhumbada ( Muquurta ) kuwa xumaanta Dhumbaday (muquurtay). (45)

### الآية 74:46

> ﻿وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ الدِّينِ [74:46]

Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada). (46)

### الآية 74:47

> ﻿حَتَّىٰ أَتَانَا الْيَقِينُ [74:47]

Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu). (47)

### الآية 74:48

> ﻿فَمَا تَنْفَعُهُمْ شَفَاعَةُ الشَّافِعِينَ [74:48]

Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca. (48)

### الآية 74:49

> ﻿فَمَا لَهُمْ عَنِ التَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ [74:49]

Maxaase u sugnaaday oy waanada uga Jeedsadaan. (49)

### الآية 74:50

> ﻿كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُسْتَنْفِرَةٌ [74:50]

ood u moodaa Dameero Diday. (50)

### الآية 74:51

> ﻿فَرَّتْ مِنْ قَسْوَرَةٍ [74:51]

oo ka Cararay libaax. (51)

### الآية 74:52

> ﻿بَلْ يُرِيدُ كُلُّ امْرِئٍ مِنْهُمْ أَنْ يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُنَشَّرَةً [74:52]

Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab). (52)

### الآية 74:53

> ﻿كَلَّا ۖ بَلْ لَا يَخَافُونَ الْآخِرَةَ [74:53]

Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro. (53)

### الآية 74:54

> ﻿كَلَّا إِنَّهُ تَذْكِرَةٌ [74:54]

Waxaa sugan in Quraanku waana yahay. (54)

### الآية 74:55

> ﻿فَمَنْ شَاءَ ذَكَرَهُ [74:55]

Ruuxii Doona yaana waantoobi. (55)

### الآية 74:56

> ﻿وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ التَّقْوَىٰ وَأَهْلُ الْمَغْفِرَةِ [74:56]

Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inuu Dambi Dhaafo. (56)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/74.md)
- [كل تفاسير سورة المدّثر
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/74.md)
- [ترجمات سورة المدّثر
](https://quranpedia.net/translations/74.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/74/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
