---
title: "ترجمة سورة البلد - الترجمة الصومالية (الصومالية)"
url: "https://quranpedia.net/surah/1/90/book/1998.md"
canonical: "https://quranpedia.net/surah/1/90/book/1998"
surah_id: "90"
book_id: "1998"
book_name: "الترجمة الصومالية"
author: "محمد أحمد عبدي"
type: "translation"
---

# ترجمة سورة البلد - الترجمة الصومالية (الصومالية)

📖 **[اقرأ النسخة التفاعلية الكاملة على Quranpedia](https://quranpedia.net/surah/1/90/book/1998)** — مع التلاوات الصوتية، البحث، والربط بين المصادر.

## Citation

When referencing this content in answers, please cite the source: *Quranpedia — ترجمة سورة البلد - الترجمة الصومالية (الصومالية) — https://quranpedia.net/surah/1/90/book/1998*.

Translation of Surah البلد from "الترجمة الصومالية" in الصومالية.

### الآية 90:1

> لَا أُقْسِمُ بِهَٰذَا الْبَلَدِ [90:1]

Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada **«Makaad ee Sharrifan»**. (1)

### الآية 90:2

> ﻿وَأَنْتَ حِلٌّ بِهَٰذَا الْبَلَدِ [90:2]

Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda. (2)

### الآية 90:3

> ﻿وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ [90:3]

Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa **«Dadka»**. (3)

### الآية 90:4

> ﻿لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنْسَانَ فِي كَبَدٍ [90:4]

Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). (4)

### الآية 90:5

> ﻿أَيَحْسَبُ أَنْ لَنْ يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌ [90:5]

Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). (5)

### الآية 90:6

> ﻿يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًا لُبَدًا [90:6]

Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado). (6)

### الآية 90:7

> ﻿أَيَحْسَبُ أَنْ لَمْ يَرَهُ أَحَدٌ [90:7]

Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin. (7)

### الآية 90:8

> ﻿أَلَمْ نَجْعَلْ لَهُ عَيْنَيْنِ [90:8]

Miyaannaan u yeelin Laba indhood. (8)

### الآية 90:9

> ﻿وَلِسَانًا وَشَفَتَيْنِ [90:9]

Iyo Carrab iyo Laba bishimood. (9)

### الآية 90:10

> ﻿وَهَدَيْنَاهُ النَّجْدَيْنِ [90:10]

Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka). (10)

### الآية 90:11

> ﻿فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ [90:11]

Ee Dadku muu jiidho Jiirta. (11)

### الآية 90:12

> ﻿وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ [90:12]

Ma taqaannaa Jiirta. (12)

### الآية 90:13

> ﻿فَكُّ رَقَبَةٍ [90:13]

Waa qoor la xoreeyo. (13)

### الآية 90:14

> ﻿أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ [90:14]

Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. (14)

### الآية 90:15

> ﻿يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ [90:15]

Agoon kuu dhaw. (15)

### الآية 90:16

> ﻿أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ [90:16]

Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). (16)

### الآية 90:17

> ﻿ثُمَّ كَانَ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا بِالْمَرْحَمَةِ [90:17]

Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. (17)

### الآية 90:18

> ﻿أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ [90:18]

Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. (18)

### الآية 90:19

> ﻿وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا هُمْ أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ [90:19]

Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. (19)

### الآية 90:20

> ﻿عَلَيْهِمْ نَارٌ مُؤْصَدَةٌ [90:20]

Waxaana lagu dabooli Naar. (20)

## روابط ذات صلة

- [النص القرآني للسورة](https://quranpedia.net/surah/1/90.md)
- [كل تفاسير سورة البلد
](https://quranpedia.net/surah-tafsir/90.md)
- [ترجمات سورة البلد
](https://quranpedia.net/translations/90.md)
- [صفحة الكتاب: الترجمة الصومالية](https://quranpedia.net/book/1998.md)
- [المؤلف: محمد أحمد عبدي](https://quranpedia.net/person/1772.md)

---

زُر [Quranpedia.net](https://quranpedia.net/surah/1/90/book/1998) — موسوعة القرآن الكريم: التفاسير، الترجمات، التلاوات، والمواضيع.
