أَوَلَا يَعۡلَمُونَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ

miyayna ogayn in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin.


وَمِنۡهُمۡ أُمِّيُّونَ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّآ أَمَانِيَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَظُنُّونَ

waxaa ka mid ah Ehelu Kitaabka kuwo aan wax qorayn waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab (Towreed) hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma socdaan.


فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ يَكۡتُبُونَ ٱلۡكِتَٰبَ بِأَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ يَقُولُونَ هَٰذَا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ لِيَشۡتَرُواْ بِهِۦ ثَمَنٗا قَلِيلٗاۖ فَوَيۡلٞ لَّهُم مِّمَّا كَتَبَتۡ أَيۡدِيهِمۡ وَوَيۡلٞ لَّهُم مِّمَّا يَكۡسِبُونَ

halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku qoraya Kitaabka (Towreed) Gacmhooda hadana dhihi kani wuxuu ka yimid xagga Eebe si ay qiimo yar ugu gataan, halaag baana ugu sugnaaday waxay qori Gacmahoodu, halaag baana ugu suganaaday waxay kasban.


وَقَالُواْ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامٗا مَّعۡدُودَةٗۚ قُلۡ أَتَّخَذۡتُمۡ عِندَ ٱللَّهِ عَهۡدٗا فَلَن يُخۡلِفَ ٱللَّهُ عَهۡدَهُۥٓۖ أَمۡ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

waxay dhaheen yuhuud nama taabanayso naaru waxaan ayaamo tirsan ahayn, waxaad dhahdaa ma ballan baad ka qaadateen Eebe agtiisa oosan idinkaga baxayn Eebe ballankiisa. mise waxaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn.



الصفحة التالية
Icon