بَلَىٰۚ مَن كَسَبَ سَيِّئَةٗ وَأَحَٰطَتۡ بِهِۦ خَطِيٓـَٔتُهُۥ فَأُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

saas ma aha ee ruuxii kasbada xumaan oo uu koobo gafkiisu ciddaasi waa asaxaabta naarta, wayna ku waari dhexdeeda.


وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

kuwa rumeeyey (xaqse) oo camal wanaagsan sameeya kuwaasi waa asaxaabta Jannada wayna kuwaari dhexdeeda.


وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ لَا تَعۡبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَانٗا وَذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَقُولُواْ لِلنَّاسِ حُسۡنٗا وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ ثُمَّ تَوَلَّيۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗا مِّنكُمۡ وَأَنتُم مُّعۡرِضُونَ

xusa markaan ka qaadnay Banii Israa'iil ballan inaydaan caabudin Eebe mooyee, iyo inay u sama falaan labada Waalid iyo qaraabada, agoonta masaakiinta iyo inay u dhahaan wanaag, salaaddana ooaan bixiyaana sakada, markaasaad jeesateen in yar oo ininka mid ah mooyee, idinkoo jeedsan.


وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ لَا تَسۡفِكُونَ دِمَآءَكُمۡ وَلَا تُخۡرِجُونَ أَنفُسَكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ ثُمَّ أَقۡرَرۡتُمۡ وَأَنتُمۡ تَشۡهَدُونَ

xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) inaydaan iska daadin Dhiig (inaydaan isdilin) aydaan qaarkiin (qaarka kale) Guryihiinna, ka bixinin markaasaad aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi.



الصفحة التالية
Icon