وَأَنذِرۡ بِهِ ٱلَّذِينَ يَخَافُونَ أَن يُحۡشَرُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ لَيۡسَ لَهُم مِّن دُونِهِۦ وَلِيّٞ وَلَا شَفِيعٞ لَّعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ

Ugu dig Quraanka kuwa ka Cabsan in Ioo soo kulmiyo Eebahood iyagoon lahayn Sokaydiis Qaraabo iyo Shafeece Midna inay Dhawrsadaan Darteed.


وَلَا تَطۡرُدِ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ رَبَّهُم بِٱلۡغَدَوٰةِ وَٱلۡعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجۡهَهُۥۖ مَا عَلَيۡكَ مِنۡ حِسَابِهِم مِّن شَيۡءٖ وَمَا مِنۡ حِسَابِكَ عَلَيۡهِم مِّن شَيۡءٖ فَتَطۡرُدَهُمۡ فَتَكُونَ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Hana Eryin kuwa Baryi Eebahood aroor iyo Galabba iyagoo dooni Wajigiisa waxba kaama saarra Xisaabtooda iyana Xisaabtaada Waxba kama Saarra ood eridid ood ka mid noqotid daalimiinta.


وَكَذَٰلِكَ فَتَنَّا بَعۡضَهُم بِبَعۡضٖ لِّيَقُولُوٓاْ أَهَـٰٓؤُلَآءِ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنۢ بَيۡنِنَآۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِٱلشَّـٰكِرِينَ

Saasaaan isugu Imtixaanay (Dadka) Qaarkood Qaarka kale inay Dhahaan ma kuwanaa Eebe ku Manaystay (Islaamka) Dhexdannada, Miyuusan Eebe ahayn kan og kuwa ku Mahdiya.


وَإِذَا جَآءَكَ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِنَا فَقُلۡ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡۖ كَتَبَ رَبُّكُمۡ عَلَىٰ نَفۡسِهِ ٱلرَّحۡمَةَ أَنَّهُۥ مَنۡ عَمِلَ مِنكُمۡ سُوٓءَۢا بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَصۡلَحَ فَأَنَّهُۥ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Markay kuu Yimaadaan kuwa Rumeeyey Aayaadkanaga waxaad Dhahdaa Nabadgalyo Korkiinna ha ahaato, wuxuu Eebe Isasaaray Naxariis, oo ah Ciddii idinka mid ah oo Fasha Xumaan isagoo ka Jaahil ah oo Toobad keena nn wanaajiya Eebaa Dhaafi una Naxariisan.



الصفحة التالية
Icon