وَأَنۡ أَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّقُوهُۚ وَهُوَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

Oogana Salaadda kana Dhawrsada Eebe waa kan Xaggiisa laydiin soo Kulmine.


وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۖ وَيَوۡمَ يَقُولُ كُن فَيَكُونُۚ قَوۡلُهُ ٱلۡحَقُّۚ وَلَهُ ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ

Waana kan Eebe u Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Xaq Maalinta uu Dhihi Ahow wuu ahaan (waxaasu) Hadalkiisu waa Xaq, wuxuuna Leeyahay Xukunka Maalinta la Afuufi Suurka, waana Ogyahay wax Maqan (la arkayn) iyo waxa Joogaba, waana Falsame Xeel Dheer.


۞وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ ءَازَرَ أَتَتَّخِذُ أَصۡنَامًا ءَالِهَةً إِنِّيٓ أَرَىٰكَ وَقَوۡمَكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

Ka Warran markuu ku Yidhi (Nabi) Ibraahim Aabihiis Aazara ma waxaad ka Yeelan Sanamyo ILaahyo, waxaan kugu Arkaa adiga iyo Qoomkaagaba Baadi Cad.


وَكَذَٰلِكَ نُرِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ مَلَكُوتَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلِيَكُونَ مِنَ ٱلۡمُوقِنِينَ

Saasaan u Tusinnay Ibraahim Xukunka Samooyinka iyo Dhulka inuu ka Mid Noqdo kuwa Yaqiiniya (Xaqa).


فَلَمَّا جَنَّ عَلَيۡهِ ٱلَّيۡلُ رَءَا كَوۡكَبٗاۖ قَالَ هَٰذَا رَبِّيۖ فَلَمَّآ أَفَلَ قَالَ لَآ أُحِبُّ ٱلۡأٓفِلِينَ

Markuu ku Maddobaaday Habeenku wuxuu Arkay Xiddig Wuxuuna Yidhi kani ma Eebahaybaa, markuu Dhacay wuxuu Yidhi ma Jedi kuwa Dhaca.



الصفحة التالية
Icon