فَلَمَّا رَءَا ٱلۡقَمَرَ بَازِغٗا قَالَ هَٰذَا رَبِّيۖ فَلَمَّآ أَفَلَ قَالَ لَئِن لَّمۡ يَهۡدِنِي رَبِّي لَأَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلضَّآلِّينَ

Markuu Arkay Dayaxa oo soo Muuqda wuxuu yidhi kani ma Eebahaybaa markuu Dhacay wuxuu Yidhi Hadduusan I hanuunin Eebahay waxaan ka mid Noqon kuwa Dhuma.


فَلَمَّا رَءَا ٱلشَّمۡسَ بَازِغَةٗ قَالَ هَٰذَا رَبِّي هَٰذَآ أَكۡبَرُۖ فَلَمَّآ أَفَلَتۡ قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ

Markuu Arkay Qorraxda oo soo Muuqata wuxuu Yidhi kani ma Eebahaybaa kanaa wayne, Markay Dhaeday wuxuu Yidhi Qoomkayow Bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan (Eebe).


إِنِّي وَجَّهۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّذِي فَطَرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ حَنِيفٗاۖ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

Anugu waxaan u Jeediyey Wajigayga Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka anoo Toosan oon ka mid ahayn Gaalada.


وَحَآجَّهُۥ قَوۡمُهُۥۚ قَالَ أَتُحَـٰٓجُّوٓنِّي فِي ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنِۚ وَلَآ أَخَافُ مَا تُشۡرِكُونَ بِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَشَآءَ رَبِّي شَيۡـٔٗاۚ وَسِعَ رَبِّي كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمًاۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ

Way Ladoodeen Nabi Ibraahim Qoomkiisii, wuxuuna yidhi ma waxaad igula Doodaysaan Eebe, Isagoo I hanuuniyey, oonan ka Cabsanayn waxaad la Wadaajinaysaan, in Eebahay wax doono Mooyee, Eebahay waa u Waasac (Awoodleeyahay) wax kasto Ogaansho, niyeydaan Xusuusanayn (wax).



الصفحة التالية
Icon