وَلَتَجِدَنَّهُمۡ أَحۡرَصَ ٱلنَّاسِ عَلَىٰ حَيَوٰةٖ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۚ يَوَدُّ أَحَدُهُمۡ لَوۡ يُعَمَّرُ أَلۡفَ سَنَةٖ وَمَا هُوَ بِمُزَحۡزِحِهِۦ مِنَ ٱلۡعَذَابِ أَن يُعَمَّرَۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ

dhab ahaan waxaad ugu ogaan Yuhuudda inay ugu dadaal badanyihiin nolosha, kuwa Gaalada ah qaarkood wuxuu jeeelyahay in la cimrisiiyo kun Sano, cimrigaasna kama fogeeyo cadaab Eebana waa arkaa waxay camal fali.


قُلۡ مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّـجِبۡرِيلَ فَإِنَّهُۥ نَزَّلَهُۥ عَلَىٰ قَلۡبِكَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ

waxaad dhahdaa ruuxi Col u ah (Malaku) Jibriil (waa Colka Eebe) maxaayeelay wuxuu ku dajiyey Qalbigaaga Idin Eebe dartiis, isagoo rumeyn Quraanka wixii ka horeeyey waana Hanuunja iyo Bishaarada Mu'miniinta.


مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّلَّهِ وَمَلَـٰٓئِكَتِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَجِبۡرِيلَ وَمِيكَىٰلَ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَدُوّٞ لِّلۡكَٰفِرِينَ

ruxii col Eebe ah, Malaa'igtiisa, Rasuuladiisa, Jibriil iyo Miikaa'iil Eebana Colbuu u yahay Gaalada.


وَلَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۖ وَمَا يَكۡفُرُ بِهَآ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقُونَ

dhab ahaan yaan kuugu dajinay Aayaad Cad cad kamana gaaloobo Faasiq cid aan ahayn.



الصفحة التالية
Icon