إِذۡ قَالَ لَهُۥ رَبُّهُۥٓ أَسۡلِمۡۖ قَالَ أَسۡلَمۡتُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

xusuuso markuu Eebe ka yidhi hogaansan oo uu yidhi waan u hogaansamay Eebaha Caalamka,


وَوَصَّىٰ بِهَآ إِبۡرَٰهِـۧمُ بَنِيهِ وَيَعۡقُوبُ يَٰبَنِيَّ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰ لَكُمُ ٱلدِّينَ فَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسۡلِمُونَ

wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.


أَمۡ كُنتُمۡ شُهَدَآءَ إِذۡ حَضَرَ يَعۡقُوبَ ٱلۡمَوۡتُ إِذۡ قَالَ لِبَنِيهِ مَا تَعۡبُدُونَ مِنۢ بَعۡدِيۖ قَالُواْ نَعۡبُدُ إِلَٰهَكَ وَإِلَٰهَ ءَابَآئِكَ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ إِلَٰهٗا وَٰحِدٗا وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ

miyaad joogten (Yuhuuday) marka Geeridu u timid (Nabi) Yacquub markuu ku yidhi Caruurtiisa maxaad caabudaysaan Gadaashay, ayna dheheen waxaan caabudaynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahim, Ismaeiil iyo Isxaaq Eebe kaliya, isagaana u hogaansamaynaa.


تِلۡكَ أُمَّةٞ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

taasina waa ummad taktay, waxayna Mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydina warsan maayo waxay Camalfalayeen.



الصفحة التالية
Icon