وَقَالُواْ كُونُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰ تَهۡتَدُواْۗ قُلۡ بَلۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِـۧمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

waxay ku dhaheen Gaaladii Muslimiinta ama Yuhud noqda ama Nasaara aad hanuunteene, waxad dhahdaa mayee milladda (Diinta Nabi) Ibraahim yaan raacaynaa ee Xaqa u iishay, kamana mid ahayn Gaalda.


قُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَمَآ أُوتِيَ ٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ

waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe.


فَإِنۡ ءَامَنُواْ بِمِثۡلِ مَآ ءَامَنتُم بِهِۦ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا هُمۡ فِي شِقَاقٖۖ فَسَيَكۡفِيكَهُمُ ٱللَّهُۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

hadday u rumeeyaan saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku suganyihiin khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebe isagaa wax maqla waxna oge.


صِبۡغَةَ ٱللَّهِ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ ٱللَّهِ صِبۡغَةٗۖ وَنَحۡنُ لَهُۥ عَٰبِدُونَ

ku sugnaada Diinta Eebe, yaa ka fiican Diinta Eebe (ma jiro) isagaana caabudaynaa.



الصفحة التالية
Icon