وَلِلَّهِ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَآ أَمۡرُ ٱلسَّاعَةِ إِلَّا كَلَمۡحِ ٱلۡبَصَرِ أَوۡ هُوَ أَقۡرَبُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Eebaa iska leh waxa ku maqan Samooyinka iyo Dhulka, Saacadda amarkeeduna ma aha ilbidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebana wax Kasta wuu karaa.


وَٱللَّهُ أَخۡرَجَكُم مِّنۢ بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Eebe wuxuu idinka soo bixiyay Caloosha Hooyooyinkiin Waxba idinkoon ogayn wuxuuna Idiin yeelay Ma- qal iyo Arag iyo Quluub inaad Ku Shukridaan Eebe.


أَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ مُسَخَّرَٰتٖ فِي جَوِّ ٱلسَّمَآءِ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱللَّهُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

Miyayna arkayn Shinbiraha loo Sakhiray Hawada samaa, Waxaana Eebe ahayna haynin, taasina Calaamooyin yaa ugu Sugan Cidii rumayn (Xaqa).


وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۢ بُيُوتِكُمۡ سَكَنٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّن جُلُودِ ٱلۡأَنۡعَٰمِ بُيُوتٗا تَسۡتَخِفُّونَهَا يَوۡمَ ظَعۡنِكُمۡ وَيَوۡمَ إِقَامَتِكُمۡ وَمِنۡ أَصۡوَافِهَا وَأَوۡبَارِهَا وَأَشۡعَارِهَآ أَثَٰثٗا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ

Eebe wuxuu idinka yeelay Guryihiinna xasil (Degaan) wuxuuna idinka yeelay harkaha xoolaha Guryo idiin fudud maalinta geediga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay Suufkeeda iyo dhogarta (Geela) iyo dhogorta (Riyaha) Alaab iyo Maacuun tan iyo muddo.



الصفحة التالية
Icon