إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهۡدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma Hanuuniyo Eebe Waxayna Mudan cadaab daran.


إِنَّمَا يَفۡتَرِي ٱلۡكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ

Waxaa uun abuurta Been kuwaan rumayn Aayaadka Eebe kuwaasuna iyaga umbaa Beenaalayaala.


مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنۡ أُكۡرِهَ وَقَلۡبُهُۥ مُطۡمَئِنُّۢ بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلۡكُفۡرِ صَدۡرٗا فَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ

Oo ah kuwa Eebe ka gaaloobay rumayn ka dib (ee mudan halaag) Ruux lagu Qasbay qalbigiisuna ku Xasillanyahay iimaanka mooyee, ruuxiise laabtiissu u Waasac noqoto (rumayso) Gaalnimo Waxaa korkooda ah Cadho Eebe, Waxayna Mudan Cadaab wayn.


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Arrintaasuna waa inay ka doorteen Nolosha dhaw (ee adduun) Aakhiro iyo Inaan Eebe hanuuninayn kuwa gaalada ah.


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡغَٰفِلُونَ

Kuwaas Eebaa daboolay quluubtooda, Maqalkooda iyo Aragooda waana kuwa uun Halmaansan (xaqa).



الصفحة التالية
Icon