إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Marka laga Reebo kuwa Toobad Keena intaas ka Dib oo Wanaajiya, Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.


وَٱلَّذِينَ يَرۡمُونَ أَزۡوَٰجَهُمۡ وَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ شُهَدَآءُ إِلَّآ أَنفُسُهُمۡ فَشَهَٰدَةُ أَحَدِهِمۡ أَرۡبَعُ شَهَٰدَٰتِۭ بِٱللَّهِ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ

Kuwa Qadfa (Zino ku Sheega) Haweenkooda oon Marag aan Naftooda ahayn Lahayn midkood Maraggiisu waa inuu ku Marag Kaco Dhaarta Afar Dhaarood Eebe inuu Run Sheegi


وَٱلۡخَٰمِسَةُ أَنَّ لَعۡنَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ

Tan Shanaad waa inuu ku Dhaarto in Lacanadda Eebe ku Dhacdo hadduu Beenaale yahay.


وَيَدۡرَؤُاْ عَنۡهَا ٱلۡعَذَابَ أَن تَشۡهَدَ أَرۡبَعَ شَهَٰدَٰتِۭ بِٱللَّهِ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ

Waxaa Ka rida Iyadana Ciqaabta inay ku Dhaarato Afar Dhaarood inuu Beenaale yahay.


وَٱلۡخَٰمِسَةَ أَنَّ غَضَبَ ٱللَّهِ عَلَيۡهَآ إِن كَانَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ

Tan Shanaadna waxay ku Dhaaran in Cadhada Eebe ku Dhacdo hadduu Run Sheegi.


وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ وَأَنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٌ حَكِيمٌ

Hadduuna Jirin FAdliga Eebe iyo Naxariistiisa Korkiinna oosan ahayn Toobad Aqbal Badane Falsan «Waxaa Beenaalaha ku Dhici lahaa Cadaab Daran».



الصفحة التالية
Icon