إِنَّ ٱلَّذِينَ جَآءُو بِٱلۡإِفۡكِ عُصۡبَةٞ مِّنكُمۡۚ لَا تَحۡسَبُوهُ شَرّٗا لَّكُمۖ بَلۡ هُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۚ لِكُلِّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُم مَّا ٱكۡتَسَبَ مِنَ ٱلۡإِثۡمِۚ وَٱلَّذِي تَوَلَّىٰ كِبۡرَهُۥ مِنۡهُمۡ لَهُۥ عَذَابٌ عَظِيمٞ

Kuwa la Yimid Been Abuurka (Qadafka Caasho) waa Koox Idinka mid ah, How Malaynina inay Shar Idiin tahay, waxayse idiin tahay Khayr, Qof kasta oo ka Mid ahna waxaa u Sugnaaday wuxuu kasban oo Dambi ah midka Qaatay Waynanka Arintana oo ka mid ah wuxuu Mudan Cadaab weyn (Ibnu Salool).


لَّوۡلَآ إِذۡ سَمِعۡتُمُوهُ ظَنَّ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ بِأَنفُسِهِمۡ خَيۡرٗا وَقَالُواْ هَٰذَآ إِفۡكٞ مُّبِينٞ

Maxaydaan Markaad Maqasheen Xaalka (Qadafka) ayna ugu malayn Mu'miniinta ragga iyo Haween Naftooda Khayr, oyna u Dhihin Kaasi waa Been Abuur Cad.


لَّوۡلَا جَآءُو عَلَيۡهِ بِأَرۡبَعَةِ شُهَدَآءَۚ فَإِذۡ لَمۡ يَأۡتُواْ بِٱلشُّهَدَآءِ فَأُوْلَـٰٓئِكَ عِندَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ

Mayse u Keenaan Korkiisa Afar Marag, Haddayna keenin Marag kuwaasu Eebe Agtiisa waxay ku Yihiin Beenaalayaal.


وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ لَمَسَّكُمۡ فِي مَآ أَفَضۡتُمۡ فِيهِ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Hadduuse Jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa Adduun iyo Aakhiraba waxaa Idin Taaban lahaa waxaad Dhexgasheen Dartiis Cadaab weyn.



الصفحة التالية
Icon