وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَرۡضِعِيهِۖ فَإِذَا خِفۡتِ عَلَيۡهِ فَأَلۡقِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ وَلَا تَخَافِي وَلَا تَحۡزَنِيٓۖ إِنَّا رَآدُّوهُ إِلَيۡكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Waxaan u Waxyoonay ku (Ilhaamaynay) Muuse Hooyadiis Nuuji, markaad u Cabsatana ku Tuur Hirka (Badda) hana Cabsan hana Murugoon anagaa kugu soo Celine kana Yeeli kuwa la Diro (Rasuul).


فَٱلۡتَقَطَهُۥٓ ءَالُ فِرۡعَوۡنَ لِيَكُونَ لَهُمۡ عَدُوّٗا وَحَزَنًاۗ إِنَّ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا كَانُواْ خَٰطِـِٔينَ

Waxaana Qaalay Fircoon Dadkiisii Isagoo u Noqon doona Col iyo Walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo Colkoodiina waxay Ahaayeen kuwo Gefay.


وَقَالَتِ ٱمۡرَأَتُ فِرۡعَوۡنَ قُرَّتُ عَيۡنٖ لِّي وَلَكَۖ لَا تَقۡتُلُوهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوۡ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

Waxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda iyo taada ee ha Dilina, waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno Wiile, mana Oga Iyagu (Dhabta).


وَأَصۡبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَٰرِغًاۖ إِن كَادَتۡ لَتُبۡدِي بِهِۦ لَوۡلَآ أَن رَّبَطۡنَا عَلَىٰ قَلۡبِهَا لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Wuxuu Ahaaday Qalbigii Muuse Hooyadiis mid Madhan waxayna u Dhawaatay inay Muujiso Haddaanaan Adkaynin Qalbigeeda inay ahaato Mu'miniinta.



الصفحة التالية
Icon