وَقَالَتۡ لِأُخۡتِهِۦ قُصِّيهِۖ فَبَصُرَتۡ بِهِۦ عَن جُنُبٖ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

Waxayna ku Tidhi Walaashiis Raac, waxayna ka eegaysay Dhinac Fog, iyagoon ogayn.


۞وَحَرَّمۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَرَاضِعَ مِن قَبۡلُ فَقَالَتۡ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰٓ أَهۡلِ بَيۡتٖ يَكۡفُلُونَهُۥ لَكُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ نَٰصِحُونَ

Waxaana ka Reebnay Korkiisa Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una Samo Fali.


فَرَدَدۡنَٰهُ إِلَىٰٓ أُمِّهِۦ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَ وَلِتَعۡلَمَ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Waxaana ku soo Celinay Hooyadiis, si ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin, Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq Laakiin Dadka Badankiisu ma Oga.


وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَٱسۡتَوَىٰٓ ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Markuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi, Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha.


وَدَخَلَ ٱلۡمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفۡلَةٖ مِّنۡ أَهۡلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيۡنِ يَقۡتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنۡ عَدُوِّهِۦۖ فَٱسۡتَغَٰثَهُ ٱلَّذِي مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِي مِنۡ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيۡهِۖ قَالَ هَٰذَا مِنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّهُۥ عَدُوّٞ مُّضِلّٞ مُّبِينٞ

Wuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn, wuxuuna Helay Labo Nin oo Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay Colkiisa, waxaana u Kaalmo warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay Muuse wuuna Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya oo Cad.



الصفحة التالية
Icon