قَدۡ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Waxaa saas yidhi kuwii ka horeeyey waxna uma tarin waxay kasbadeen.


فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ هَـٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ

Waxaana ku dhacay xumaantay kasbadeen, kuwii dulmifalay oo ka mid ahaa kuwaas waxaa ku dhici xumaantey kasbadeen, namana daaliyaan.


أَوَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

Miyeyna ogayn inuu Eebe u waasiciyo Rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhyo (cidduu doono) arrintaasna waxaa ugu sugan aayad cidii wax rumeyn.


۞قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eeba dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi dhaafbadane naxariis badane.


وَأَنِيبُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَأَسۡلِمُواْ لَهُۥ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ

U noqda Eebihiin una hogaansama ka hor cadaab idiin ku yimaaddoon laydiinkana gargaarayn.



الصفحة التالية
Icon