ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ

Kuwaan bixinin zakada ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey.


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ

Kuwa xaqa rumeeyeyse oo camalfiican falay waxaa usugnaaday ajri aan guraynin.


۞قُلۡ أَئِنَّكُمۡ لَتَكۡفُرُونَ بِٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ فِي يَوۡمَيۡنِ وَتَجۡعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan kan (Eebaha) ku abuuray Dhulka laba maalmood, ood uyeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Eebaha Caalamka.


وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ مِن فَوۡقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقۡوَٰتَهَا فِيٓ أَرۡبَعَةِ أَيَّامٖ سَوَآءٗ لِّلسَّآئِلِينَ

Wuxuuna yeelay Dhulka dhexdiisa Buuro wuuna barakeeyey dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) Cunnadiisa afar maalmood iyadooy usimantahay dadka weydiin.


ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِيَ دُخَانٞ فَقَالَ لَهَا وَلِلۡأَرۡضِ ٱئۡتِيَا طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا قَالَتَآ أَتَيۡنَا طَآئِعِينَ

Markaasuu Eebe u istawooday (qasday) Cirka oo qiiq ah kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (laqasbi) waxayna dheheen waan nimid anagoo addeecsan.



الصفحة التالية
Icon