سُورَةٌ أَنزَلۡنَٰهَا وَفَرَضۡنَٰهَا وَأَنزَلۡنَا فِيهَآ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ لَّعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ

(Tani) waa Suurad aan Soo Dejinay oo Faralnay (wax ku Caddaynay) kuna soo Dejinay Dhexdeeda Aayaad Cad Cad inaad wax Xusuusataan (waano qaada Taan)


ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِي فَٱجۡلِدُواْ كُلَّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا مِاْئَةَ جَلۡدَةٖۖ وَلَا تَأۡخُذۡكُم بِهِمَا رَأۡفَةٞ فِي دِينِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۖ وَلۡيَشۡهَدۡ عَذَابَهُمَا طَآئِفَةٞ مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Zaaniyadda (Haween) iyo Zaaniga (Ragga) Garaaca mid kastoo ka mid ah Boqol Garaac yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis Diinta Eebe Dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo Garaacooda Koox ka Mid ah Mu'miniinta.


ٱلزَّانِي لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوۡ مُشۡرِكَةٗ وَٱلزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَآ إِلَّا زَانٍ أَوۡ مُشۡرِكٞۚ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Zaani ma Guursado waxaan Zaaniyad ahayn, ama Gaal, Zaaniyadna ma Guursato waxaan Zaani ahayn ama Gaal, waana laga Reebay Arrintaas Mu'miniinta.


وَٱلَّذِينَ يَرۡمُونَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَأۡتُواْ بِأَرۡبَعَةِ شُهَدَآءَ فَٱجۡلِدُوهُمۡ ثَمَٰنِينَ جَلۡدَةٗ وَلَا تَقۡبَلُواْ لَهُمۡ شَهَٰدَةً أَبَدٗاۚ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

Kuwa (Zino) ku Gana (Sheega) Haweenka Dhawrsoon oon Afar Marag ah keenin Garaaca Siddeetan Garaacood, hana ka Aqbalina Marag Waligood, kuwaasina waa uun Faasiqiin.



الصفحة التالية
Icon