حمٓ

Waxay ku tusin mucjisada Quraanka sida soo hormartay.


تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Quraanka waa soo dajinta Eebe naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista,


كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

Waana Kitaab loo caddeeyey aayaadkiisa isagoo Quraan carabi ku qoran ah ciddii wax garan.


بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ

Waana bishaareeye u dige ah, waase ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan.


وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ

Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal anana waancamalfaleynaaye.


قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَٱسۡتَقِيمُوٓاْ إِلَيۡهِ وَٱسۡتَغۡفِرُوهُۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡمُشۡرِكِينَ

Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta.



الصفحة التالية
Icon