حمٓ

Waxay ku Tusin mucjisada Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa.


تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ

Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa.


مَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَمَّآ أُنذِرُواْ مُعۡرِضُونَ

Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah way ka jeedsadeen.


قُلۡ أَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُواْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ لَهُمۡ شِرۡكٞ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِۖ ٱئۡتُونِي بِكِتَٰبٖ مِّن قَبۡلِ هَٰذَآ أَوۡ أَثَٰرَةٖ مِّنۡ عِلۡمٍ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka, ii keena (oo i tusiya) Kitaab Quraanka, ka horreyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan.


وَمَنۡ أَضَلُّ مِمَّن يَدۡعُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسۡتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَهُمۡ عَن دُعَآئِهِمۡ غَٰفِلُونَ

Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn).



الصفحة التالية
Icon