سورة الحجر

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

ترجمة معاني سورة الحجر باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

آية رقم 1


Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
آية رقم 2

Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
آية رقم 13

mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
آية رقم 15

waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
آية رقم 17

waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.

waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
آية رقم 37

Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.
آية رقم 40

Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).
آية رقم 41

Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).
آية رقم 43

Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.
آية رقم 44

Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).
آية رقم 45

kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).
آية رقم 46

waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.
آية رقم 51

Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim.
آية رقم 54

Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
آية رقم 62

Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
آية رقم 63

Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
آية رقم 67

Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
آية رقم 70

Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).
آية رقم 71

wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).
آية رقم 73

Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.
آية رقم 75

Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).
آية رقم 76

Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).
آية رقم 78

Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).
آية رقم 79

Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).
آية رقم 80

Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).
آية رقم 81

Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.
آية رقم 90

sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).
آية رقم 92

Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.
تقدم القراءة